Jordi Roura: Ciyaaryahano Kasta Oo Real Madrid Ay Soo Xulato Waxa Ay Noqon Doonaan Kuwa Adag.

Jordi Roura: Ciyaaryahano Kasta Oo Real Madrid Ay Soo Xulato Waxa Ay Noqon Doonaan Kuwa Adag.

Sii hayaha xilka tababaraha kooxda Barcelona Jordi Roura ayaa shaaca ka qaaday in koox kasta oo uu soo xusho Jose Mourinho kulanka maanta inay noqon doonaan koox adag oo tartan gasha.
Real Madrid ayaa si aad ah loo filayaa inay nasasiiyaan qaar ka mid ah xiddigahooda madaama bartamaha isbuucaan ay kulan adag la leeyihiin Manchester United oo ku wajahan Champions League.
“M aqaano ciyaartoyda Madrid ee aan wajihi doono, waxa ay ku xiran tahay in tababarahooda uu go’aansado, laakiin ciyaartoy kasta ee ay soo xushaan waxa ay noqon doonaan kuwa tartamada oo seddexda dhibcood raadsada” ayuu Jordi Roura ku sheegay shirkiisa jaraa’id.
Roura ayaa sidoo kale ka hadlay Lionel Messi kaasoo uu sheegay inuu Messi qaadan karo waqtigii uu doono oo uu gool ku dhalin karo, madaama uu shabaqa soo taaban waayay kulamadii Milan iyo Real Madrid.
“Xumad ayaa heysay, laakiin haatan waa uu ka soo kabsaday. Marka aad heysato ciyaaryahanka adduunka ugu fiican islamarkaana kulamo yar uusan goolal ku dhalin saameyn weyn ayay kugu yeelaneysaa. Laakiin kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa isaga. Messi ilaa intii uu doono ayuu goolal la’aan ahaan karaa. Waa uu dhalin doonaa mar kale.” ayuu ku jawaabay Roura.
Caawiyaha tababaraha Barcelona ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka maanta waxaa wax laga weydiiyay hadal uu shalay sheegay Kaka oo aheyd in Barca iyo Real Madrid ay isku heer yihiin haatan.
“Taas waa fekerkiisa, laakiin kulamadii ugu danbeysay waxaa natiijada go’aansaday waxyaabo aad u yaryar.”
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada