Jaamacada SIMAD oo maanta Maktabad cusub ka hirgelisay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Jaamacada SIMAD oo maanta Maktabad cusub ka hirgelisay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)


Jaamacada SIMAD ayaa maanta furtay Maktabad cusub oo loogu magac daray Dhoobaale Lebrary, kadib xaflad ka dhacday Xarunta jaamacada qeybteeda Warshadaha, kaasoo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiinta iyo Maamulka Jaamacada.
C/raxmaan Anas oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Jaamacada SIMAD ayaa ugu horeyn ka hadlay Maktabada cusub ay u dhiseen jaamacada, isagoo xusay inay ugu magac dareen Prof, Dhoobaale oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii aas aastay Jaamacada SIMAD.
Mr Anas ayaa sheegay in Dhoobaale uu jeclaa inta badan wax aqrinta sidaas awgeedna ay ugu magac dareen maktabadan.
Maktabadaan ayaa waxaa la dhigay buugaag gaaraysa ilaa iyo 1500 oo buug oo noocyo kala duwan ah.

Maamulka SIMAD ayaa sheegay in lacago ka badan hal milyan ay ugu baxday hirgalinta Maktabadan.
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha jaamacada SIMAD C/raxmaan Odawaa, isagoo sheegay in Buugaagtan ay ku deeqday Hay’ad lagu magacaabo SABRA Foundation waxaa uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in maktabkan ugu magacdaraan mid ka mid ah masuuliyiintii aas aasay jaamcada SIMAD .
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Maamulaha Wakaalada Muslimiinta Africa Xasan badawi waxaa uu sheegay in ay u wanaagsan tahay in maktanadan la furo, isagoo xariga ka jaray Maktabadan cusub
Sidoo kale jaamacada SIMAD ayaa maanta waxa ay her galisay ilaa iyo sideed laab oo computer-ka lagu baranaya kuwaas oo la kala dhigay laba xarumood ee jaamacada ku leedahay magaalada Muqdisho waxaana dhamaantood la dhigay computer cusub si ay ardayda wax ugu bartaan.

Ugu dambeyn Maktabadan cusub ee laga hirgeliyay Jaamacada SIMAD ayaa waxay qeyb weyn ka qaadaneysa waxbarashada Ardayda jaamacadaas wax ka barata







_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada