Madaxweynaha Soomaaliya oo ku tilmaamay ciidamada Uganda kuwo naftooda u huray shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku tilmaamay ciidamada Uganda kuwo naftooda u huray shacabka Soomaaliyeed


Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay ururka Al-shabaab mid laga guuleystay oo aan
weeraro soo qaadi karin.
Malaha imminka awood ay weerar ku soo qaadaan. Waxayna isugu soo urureen oo kaliya weeraro argagaxiso iyo dilal qorsheysan,”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wareysi ku siiyay weriyaal ka socday saxaafada Uganda khamiistii madaxtooyada magaalada Muqdisho oo ahayd halka ugu darnayd ee weerarada lagu soo qaadi jiray intii u dhexeysay 2007-2010.
Waxana uu madaxweynuhu ka hadlay in ururka Alshabaab dhaqaalihii ka soo geli jiray dadka Soomaaliyeed uu joogsaday:


Ma jiro meel ay dhaqaale ay kaga soo urursan karaan shacabka sababtoo ah magaalooyinkii waaweynaa oo dhan oo ay ka heli jireen dhaqaalaha waa laga qabsaday,”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Labadii sano ee ugu dambaysay ayaa ururka Alshabaab waxa uu luminayay magaalooyin badanoo ay ka talinayeen. Kadib markii laga qabsadaya magaalada Buurhakaba waxa ay maleeshiyaadka ururka Alshabaab isugu soo urureen magaalada xeebta ah ee Baraawe.
Hase ahaatee madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jiri doonin degmo kaliya oo ay maamulaan ururka Al-shabaab waqtiyada dhow.
Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay wadamada Afrikaanka ah ku taageeray ciidamadooda dalka Soomaaliya.
Waxa ugu qaalisan ee qofka bani’aadamka ah uu ugu deeqi karo qofka kale waa noloshiisa. Taasina waa tan ciidamada Uganda ay shacabka Soomaaliyeed siiyeen,” ayuu yiri Madaxweynaha
Ciidamada Uganda ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay ee la keeno dalka Soomaaliya kadibna waxaa soo gaaray ciidamada Burundi sanadkii 2011kii waxaana ku soo xigay wadamada Kenya iyo Djibouti.
Ugu dambayntii madaxweynaha waxa uu ugu baaqay wadamada deeqaha bixiya inay sii wadaan gargaarkooda illaa dalka Soomaaliya uu lugihiisa isugu taago.


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada