Jen. Indha Cadde oo muddo saacado kadib la sii daayay, markii ay xireen Ciidamada AMISOM

Jen. Indha Cadde oo muddo saacado kadib la sii daayay, markii ay xireen Ciidamada AMISOM

Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) ayaa la sii daayay, saacado kadib markii ay xireen Ciidamada AMISOM, xilli la sheegay in Jeneraalku is hor-taag ku sameeyay howlihii garoonka Diyaaradaha ee ka bixida iyo gelida albaabka hore.
Sida ay sheegayaan wararka Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa ka qeyb qaatay inay xaliyaan muranka soo kala dhex galay Jen. Indha Cadde iyo Ciidamada AMISOM oo markii hore ka carooday falka uu ku kacay.

Wararka ayaa sheegaya in Indha Cadde markii gacmaha laga katiinadeeyay loo kaxeeyay dhinaca Xalane, hase ahaatee labo saac kadib la sii daayay.
Jen. Indha Cadde ayaa ka hor yimid qaabka ay kula dhaqmeen Ciidamada AMISOM marka uu sii galayay garoonka diyaaradaha, halkaasoo ammaankeeda uu aad u adag yahay, waxaana uu diiday in la baaro haween la socday sida dad goobjoogayaal ay sheegeen.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Jen. Indha Cadde iyo Ciidamada AMISOM, waxaana ka hor inta aan la xirin xaalada albaabka hore ee garoonka uu ahaa mid fowdo ah oo jeneraalka iyo ilaaladiisa ay ku hor-istaageen gelidii iyo bixidii garoonka diyaaradaha.
Jen. Indha Cadde ayaa horay u soo noqday Wasiiru dowlihii Gaashaandhiga Xukuumadii Cumar Cabdirashiid, iyadoo aan wax xil ah ka heyn dowladda, balse lagu tilmaamo inuu ka tirsan yahay Saraakiisha ciidamada qalabka sida, maadaama Darajo Jenanimo uu sito, taasoo ay horay u siisay dowladdii KMG ah ee uu hogaaminayay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo ay ammaankeeda aad u ilaaliyaan Ciidamada AMISOM ayaa waxaa dadka lagu baaraa dhowr goobood, iyadoo jidgooyada ugu horeysay ay Ciidamada Booliska dadka ku baaraan, halka ilaa labo kale ay Ciidamada AMISOM baabuurta iyo dadka ku baaraan, inta aan gudaha garoonka la gelin.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada