La Yaabka: Yaa ka dambeeya Dilalka ka dhacaya Muqdisho.

La Yaabka: Yaa ka dambeeya Dilalka ka dhacaya Muqdisho.


iyada oo dhawaanahaan Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir ay ka dhacayeen dilal qarsoodi ah oo aan la garanayn cidda ka dambaysa ayaa xiriirro aan la sammayn qaar ka mid ah ehelada dadkii geeriyooday waxaa ay noo caddeeyeen in ay ku lugleeyihiin amni darro baahsan oo ka jirta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho dhawrkii toddobaad ee ugu dambeeyey.

Ehalada ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in ay aaminsanyihiin in Ninka dhalinyarada ahaa ee bartimihii toddobaadkan lagu arkay Maydkiisa Degmada Yaaqshid ay afduubteen Dad aano qabiil ay u dhaxaysay beesha uu ka soo jeedo marxuumkii geeriyooday & Nin horey loo diley kaas oo lagu magacaabi jirey Cali Qaasin oo ka mid ahaa Ganacsatada deegaanka Ceelasha Biyaha & Degmada Yaaqshid oo horraantii sanadkaan ay dil u gaysteen ehalada Marxuumka imika geeriyooday.

Midka mid ah qaraabada oo ka gaabsatay in magaceeda saxaafadda in lagu xuso sababo dhinaca ammaanka ayaa waxaa ay sheegtay in Yaxye Xassan Sabriye oo isna ahaa Ganacsade horey ugu noolaan jirey magaalada Caasimadda ah & Deegaanka Ceelasha Biyaha uu hanti ka lunsaday Dad ay shirko ahaayeen bacdamaa ay horey Ganacsade Sabriye ay soo waajahday digniino horey ay u siiyeen Ururka Shabaab & Ciidamada Dawladda oo midba midka kale dhinacooda ku eedeeyey in uu taakulayn siinayo & in uu ka tirsanaa.

Haweenaydan oo aan ku booqannay Degmada Yaaqshid ayaa sheegtay in laga yaabo isku dhacyada & Dilalka u kala dhaxeeya Beelaha & waliba Ururka Al Shabaab oo ay dhinaca kalena ku eedaysay in ay dhiirrigelinayaan in dad aan waxba galabsan lagu laayo magaalada ku waas oo ay iyaguna doonayeen in ay kaga raadsadaan taageero ay isku dayayeen dhawaanahaan in ay si qarsoodi ah ula soo kala saftaan Dadka Deegaanka.

Dhinaca kalena waxaa ku baahaya Magaalada Muqdisho Dilalka aan la garanayn cidda ka dambaysa waxaana habeennimadii xalay la soo dhigay 4 qof oo madaxa iyo xabadka laga soo toogtay Xaafadda Dayniile ee magaalada Muqdisho kuwaas oo ay adkayd intooda badan in aan la aqoonsan karin.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay walaac xooggan ka muujiyeen dilalkaan qaybtoodna aanooyinka qabiil & argagaxisonimada ah ku waas oo lala beegsanayo dadka aan waxba galabsan waxaa kale oo lagu soo warramaya in ay cabsi xooggan ay muujinayaan shaqaalaha Dawladda ku waas oo ka cabsi in dilal & Afduub uga yimaado Ururka Al Shabaab oo si qarsoodi ah uga hawl gala wali magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Dadka ku dhaqan Caasimadda Soomaaliya ayaa dareemayey Nabadgelyo dhawaanahaan inkasta oo ay dhacayeen falal liddi ku ah ammaanka haddana wali waxaa muuqata in ay jiraan Cabsi xooggan oo dhinaca nabadda ah ku waas oo la bartilmaameedsanayo Dhallinyarada & dadka Sumcadda Bulshada ku dhex leh, waxaana dhawaantan la dilay sidoo kale Guddoomiye ku xigeenkii Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada