Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya oo xubno ka socday Beesha caalamka kula kulantay Muqdisho (Sawirro)

Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya oo xubno ka socday Beesha caalamka kula kulantay Muqdisho (Sawirro)


Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa kula kulantay magaalada Muqdisho Safiirada Beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya, iyadoo kulankan looga hadlay xaalada ammaan iyo mida siyaasadeed ee Soomaaliya.
Kulankan oo ay shir gudoomineysay Wasiirada ayaa looga hadlay horumarada ka jira Soomaaliya iyo sidii loo ambaqaadi lahaa shirka la filayo in bisha May uu ka dhaco magaalada London ee dalka Britain, kaasoo looga hadlayo arrimaha Soomaliya.
Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf ayaa sheegtay in ujeedada kulankan uu ahaa mid looga arinsanayay xaalada dalka iyo dowladda oo loogu hambalyeynayay guulaha ay gaartay, iyadoo xustay in kulankan uu horu dhac u ahaa shirka la fiilayo in 7-da May uu ka dhaco magaalada London.
Kulankan oo uu goob joog ka ahaa Agaasimaha Wasaarada Arrimaha dibada ee Britain u qaabilsan bariga Afrika ayaa sheegay in kulankan uu ahmiyad gaar u ahaa sidii beesha caalamka u muujin laheyd taageeradeeda iyo cusbooneysiinta joogitaanka AMISOM ee mudada halka sano.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ajandayaasha shirka looga hadlayo ay horkeeneen dowladda Soomaaliya, waxaana uu rajo ka muujiyay in shirka soo socda ee bisha May uu ka soo bixi doono natiijooyin wanaagsan oo wax ku ool ah.
Dowladda Britain ayaa horay u iclaamisay inay marti gelineyso shirkii labaad oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, iyadoo shirka bisha May uu noqonayo kii u horeeyay oo loo qabta Arrimaha Soomaaliya, tan iyo markii ay Soomaaliya ka baxday KMG-nimada.















_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada