Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Khabiir ka socday Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Khabiir ka socday Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kusoo dhoweeyey xaruntiisa Villa Soomaaliya khabiir ka Madaxabanaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya mudane Shamsul Baari.
Kulankan muhiimka ah ayaa Madaxweynaha iyo Khabiirku ay saxaafadda u jeediyeen shir jaraa’id oo wadajir ah.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii ku bilaabay hadalkiisa Tacsi uu u diray Ehelkii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen muwadiniintii ku geeriyooday qaraxii maalin hore ka dhacay magaaladda Muqdisho. Kadibna wuxuu ka hadlay arimaha ku aadan xuquuqul insaanka.
“Soomaaliya waxey dooneysaa in ay xubin ka noqoto Gudiga u Qaabilsan Xuquuqul Insaanka ee Qaramda Midoobay. Waana in aan ka noqono hormuud dhinaca Xuquuqul Insaanka. Sidoo kalena aan waafajino wax walba oo aan qabaneyno.”
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an in uu dib u habeyn ku sameeyo, dowladda qeybaheeda kala duwan oo ay ka mid yihiin Amniga iyo Cadaaladda.

Mar-dhaw ayaa magaaladda Muqdisho waxaa ka dhici doona shir loo qaban qaabiyay sidii loogu hormarin lahaa oo dib u habeyn loogu sameyn lahaa cadaaladda iyo amniga. Waxaana ka soo qeyb geli doona quburo isugu jira Soomaali iyo ajaanib.”
Ugu danbeyntii ayaa Madaxweynuhu wuxuu yiri” waxaan idiin xaqiijinayaa , dhammaan muawaadiniinta Soomaaliyeed in muhiimadda Tiirka kowaad ee dowladda uu yahay Amniga taasna qeyb uu ka yahay xuquuqul Insaanku . Waana ay ka go’an tahay dowladda Insha Allahna waan gaari doonaa.”
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada