Ashley Williams Oo Albaabada Ka Xertay Kooxaha Doonaya Ee Liverpool, Arsenal Iyo Man United .

Ashley Williams Oo Albaabada Ka Xertay Kooxaha Doonaya Ee Liverpool, Arsenal Iyo Man United .

Daafaca kooxda Swansea City Ashley Williams ayaa u sheegay wakiilkiisa in uu doonayo in uu baaqi ku sii ahaado kooxdiisa Swansea , isla markaana waxa uu diiday dalabyada uga imaanaya kooxaha Ingiriiska oo ay ugu horeeyaan Liverpool , Arsenal iyo Man United.
 Laacibkaan ku wanaagsan dhanka daafaca ayaa la tilmaamayaa in uusan dooneyn in uu ka huleelo kooxdiisa sida uu wargeyska South Wales uu u sheegay wakiilka laacibka ee Jamie Moralee.
” Ashley ma doonayo in uu ka tago xagaaga dambe kooxda Swansea City , aad ayuu ugu faraxsan yahay halkaan , aad ayuu u ciyaaraa kooxdana kama maaranto” ayuu sii raaciyay wakiilka laacibkaasi .
Waxaa kale oo uu tilmaamay Jamie Moralee ” waa arin aad u wanaagsan in uu soo jiito indhaha kooxaha waa weyn ee Ingiriiska maxaa yeelay heer ciyaareed aad u sareeya ayuu soo bandhigayaa , balse madaxa kooxda uma uusan sheegin in uusan dooneyn in kooxda uu ka huleelo , ilaa iyo haatan ma uusan codsan bixitaan”.

Laacibakan 28 -sano jirka ayaa ku biiray Swansea City sanadkii 2008-da waxaana si weyn loola xariirinayay in uu ku biirayo dhaamadka xilli ciayareedkaan kooxda Liverpool halka ka dib uu Sir Alex soo galay suuqa damaca ee laacibkaan isaga oo u arka in Vidic booskiisa u buuxin karo , ka dib Arsenal ayaa soo gashay .
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada