Mareykanka oo shan milyan doolar saaray madaxa labo ka mid ah muwaadiniintiisa ee ka bar bar dagaalama Al-Shabaab

Mareykanka oo shan milyan doolar saaray madaxa labo ka mid ah muwaadiniintiisa ee ka bar bar dagaalama Al-Shabaab

Wasaarada Arrimaha dibada Mareykanka ayaa shan milyan oo doolar dul dhigtay madaxa labo ka mid ah muwaadiniinta u dhalatay dalkeeda ee ka bar bar dagaalantakooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.
Abaal marintan ayaa la sheegay in la siin doonaan cidii soo sheegta macluumaad ama xog ku saabsan halka ay joogaan Omar Shafik Hammami oo loo yaqaano Abuu Mansuur Al-Amriiki iyo Jehad Serwan Mostafa oo labadaba ah muwaadiniin Mareykan ah
Labada nin ayaa ku jira dadka loogu doon doonista badan yahay ee ay ku raad joogto FBI-da Mareykanka, si cadaalada loo horkeeno
Omar Hammami iyo Mostafa ayaa labada ka mid ah Kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo loo heysto inay galeen dambiyo kala duwan oo ku aadan falal argagixiso, waxaana labadan nin la aamisan yahay inay ku hadlaan luqadaha English, Arabic iyo Soomaaliga.
Saraakiil ka tirsan FBI Mareykanka ayaa sheegay in labadan nin xogtooda si aad ah loo doon doonayo, isla markaana Mareykanka uu aad u raad-joogo si uu u beegsado, waxaana lagu eedeeyay inay maleegaan weeraro ka dhan ah danaha mareykanka iyo dadka u dhashay.
Abuu Mansuur Al-Amriiki oo ka soo jeeda Gobolka Alabama ayaa da’diisa lagu sheegay 29-sano jir, waxaana Soomaaliya uu yimaaday sanadkii 2006-dii, isagoo siiyay tababaro dagaalyahanada Shabaab, kana mid ahaa dagaalyahanada Ajaaniibta ee ka bar bar dagaalamay Al-Shabaab.
Maxkamad ku taal Alabama ayaa sanadkii 2009-kii ku eedeysay inuu taageero koox argagixiso ah.

Sidoo kale Mustafa ayaa isna la rumeysan yahay in da’diisa tahay 27-jir ama 32-jir waxaa uu ku dhashay Gobolka Wisconsin, ka hor inta uusan u guurin Gobolka California, halkaasoo uu ka galay Kuleejada, waxaana uu Soomaaliya u socdaalay sanadkii 2005-tii, waxaa la sheegay inuu ahaa ninka hogaamiya dagaalyahanada Ajaaniibta ee ku sugan Soomaaliya.
Ninkan ayaa adeegsada magacyo kala duwan sida Anwar Al-Amriiki iyo Amiir Anwar, waxaana lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay falalka Al-Shabaab ka wadaan Soomaaliya iyo dalalka deriska.
Mareykanka ayaa sanadkii la soo dhaafay dul dhigay malaayiin doolar saraakiisha Soomaalida ee ugu sareysa Al-Shabaab, waxaana ku jira Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed cabdi Godane oo la saaray madixiisa lacag dhan 7-milyan doolarka Mareykanka.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada