Madaxweynaha xilka ka sii dega ee Kenya oo ugu baaqay dowladda bedeleysa inay dhowraan heshiisyadii Soomaaliya

Madaxweynaha xilka ka sii dega ee Kenya oo ugu baaqay dowladda bedeleysa inay dhowraan heshiisyadii Soomaaliya

Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa ugu baaqay dowladda bedeleysa inay dhowaan heshiisyadii Soomaaliya ay Ciidamadooda gudaha ugu galeen, isagoo xusay in Kenya ay haatan bar bar taagan tahay dowladda Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay Munaasabad sagootin ah oo shalay loogu sameeyay Garoonka ciidamada cirka ee Moi ayaa waxaa uu bogaadiyay guulihii Ciidamada Kenya ka soo hoyeen howl galada Soomaaliya, isla markaana haatan ka mid yihiin howl galka Midowga Afriak ee AMISOM.
Mwai Kibaki ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay labo arrin u galeen Soomaaliya, mid waa bad baadinta ammaanka kenya iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana uu cadeeyay in aanay wali howsha dhamaan oo aanay aheyn mid dhameystiran.
Waxaa uu u muuqday mid la dar daarmay dowladda bedeli doonta, gaar ahaan Madaxweynaha la doortay ee Kenya Uhuru Kenyatta oo haatan ay dacwad ka taalo Maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC.
Dastuurka Kenya ayaa dhigaya in 10-sano ka badan aan Madaxweynaha xilka sii heyn karin, waxaana labo jeer hadii la doorta uu toos u noqonayaa mid dhaca oo xilka ku wareejiya dowladda bedeli doonta.
Madaxweynaha la doortay ee dhowaan xilka la wareegaya Uhuru Kenyatta ayaan laga fileyn in Ciidamada Kenya uu ka soo saaro Soomaaliya, inkastoo ciidamadiisa ay haatan ka mid yihiin howl galka AMISOM.
Ciidamada Kenya ayaa ku sugan qeybo ka mid ah Gobolada Koofureed, iyagoo horay ula wareegay magaalooyinka ku dhow xadka kenya, waxaana ciidamada Kenya ay haatan koontaroolaan ammaanka magaalo xeebeedka Kismaayo.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada