Meydka labo ruux oo caawa maqribkii lagu arkay Xaafada Suuqa Xoolaha

Meydka labo ruux oo caawa maqribkii lagu arkay Xaafada Suuqa Xoolaha


Meydka labo ruux oo dhalinyaro ah ayaa caawa maqribkii lagu arkay Xaafada Suuqa Xoolaha, iyadoo mid ka mid ay dileen Ciidamada dowladda markii ay ka shakiyeen.
Wararka ayaa sheegaya in wiilka dhalinyarada ay ciidamada ku amreen inuu istaago, hase ahaatee uu cararay, waxaana kadib ay rasaas ku fureen ciidamada.
Goob jooge ku sugan xaafada Suuqa Xoolaha ayaa sheegay in wiilka dhalinyarada uu ka mid ahaa dhalinyarada xaafada ku noolaa.
Sidoo kale waxaa isna meydka kale oo wiil dhalinyaro ahaa abaarihii maqribkii lagu arkay Xaafada Godey ee Suuqa Xoolaha, iyadoo wiilka dhalinyarada jirkiisa ka muuqatay rasaas.
Wararka ayaa sheegaya in wiilkan dhalinyarada shalay lagala baxay gurigiisa, iyadoo uu ka mid ahaa dad horay ciidamada howl galada xaafadaas ka sameeyeen ka qab qabteen, balse la soo daayay.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay meydadka lagu arkayay xaafadaha, iyadoo ku dhowaad 10-meyd oo si xun loo jirdilay lagu arkay xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.
Arrinta ku saabsan meydadka la soo dhigay xaafadaha ayaa si weyn u gil gishay magaalada, iyadoo qaar ka mid ah ahaayeen rag ay ciidamada dowladda ku qab qabteen howl galo, waxaana lagu eedeeyay dilalkaas inay ka dambeeyeen Ciidamada nabadsugida.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada