Ra’iisul Wasaare Saacid oo sheegay inay heleen raadadka saddex kiis oo ku saabsan dilalka Wariyeyaasha

Ra’iisul Wasaare Saacid oo sheegay inay heleen raadadka saddex kiis oo ku saabsan dilalka Wariyeyaasha


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay inay heleen raadadka saddex kiis oo ku saabsan dilalkii loo geystay ilaa 20-wariye oo lagu dilay magaalada Muqdisho sanadkii la soo dhaafay iyo horaanti sanadkan.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in Xukuumada ka go’an tahay inay ilaaliso xuquuqda wariyeyaasha iyo difaacooda, isagoo xusay in farqi weyn uu u dhaxeeyo sanadkii hore iyo sanadkan, dilalkii wariyeyaasha loo geysanayay.
“Dowladda waxay heshay raadadka ilaa saddex kiis oo dilalkiisa wariyeyaasha, waa daba galeynaa waa baareynaa, sida kuma aamuseyno, waa guul inaan helno natiijo, hadii ay cadaato raadadkaas cidii soo sheegtay ayaa siineynaa lacagta 50-kun ee doolarka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.
Inkastoo aanu Ra’iisul Wasaaraha faah faahin waxa ay kala yihiin kiisaskaas ayaa hadana waxaa uu muujiyay in howsha ay wadaan gudi dowladda magacawday oo kaashanaya hey’adaha ammaanka dowladda.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa dhowaan balan qaaday in la siinayo lacag gaareysa 50-kun oo doolarka Mareykanka, cidii soo sheegta dadka ka dambeeya dilalka wariyeyaasha, inkastoo dhawaaqaas uu gil gilay bahda warbaahinta.
Sanadkii la soo dhaafay ayaa ahaa sanadkii ugu badnaa ee lagu dilay Soomaaliya ilaa 18-suxufi oo kuwo ugu badan Muqdisho iyo gobolada dalka qaar lagu dilay.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada