Mid kamid ah Aktarada ugu Caansan Dalka Hindia oo Maanta Xukun lagu riday(Daawo Sawirkiisa)

Mid kamid ah Aktarada ugu Caansan Dalka Hindia oo Maanta Xukun lagu riday(Daawo Sawirkiisa)

Maxkamada sare ee dalka India ayaa xukuntay mar kale acterka caanka ah ee Bollywoodka Sanjey Dutt in dib loogu soo celiyo Xabsiga,sabab la xariirta doorkii uu ku lahaa Qarax ka dhacay Magaalada Munbai ee dalka hindia sanadii 1993.

Jilaaga ayaa damiin ku maqnaa tan iyo sanadkii 2007-dii markii uu racfaan ka qaatay xukunkiisii hore ee Lixda sano,Maxkamada sare ayaa ka qafiifisay iyadoona ka dhigtay shan sano oo xarig ah.

Mr Sanjey Dutt,ayaa qirtay in hub uu ka iibiyay Kooxo weerar Banbaano ah ku qaaday Magaalada Mumbai ee dalka hindia sanadkii 2006,isagoona mudo 18-bilood ah waqtigiisa ku qaatay xabsi.
 Weerarka Bamka ee ka Mumbai ka dhacay ayaa la sheegay inay ku dhinteen 257 Qof,waxaana sidoo kale dhaawac uu ka soo gaaray 713.

Sanadkii 2006 ayaa Maxkamad si gaar ah loogu xukumo dadka falalka argagaxa geysta,ayaa waxay 100-qof ku eedeeysay inay ka danbeeyeen weerarkaasi,iyadoo 12, ka mid ah eedeysanayaashaasi ku xukuntay Maxkamada xukun dil ah halka 20-kalena lagu riday xukun xabsi daa’in ah.

Maanta oo ah qamiis ah ayaa Maxkamada sare ee dalka hindia waxay xaqiijisay xukunka dilka ah ee lagu riday Yakub Memon, oo ka mid ah dadkii ugu cadcadaa ee eedeynta loo soo jeediyay,iyadoo 10 kale oo ka mid ah dadkaasi laga qafiifiyay xukuka.

Qaadiyaasha Maxkamada sare ee dalka India ayaa amarku bixiyay in Mr Dutt uu isku soo dhiibo mudo afar todobaad ah,hadii kalena uu ciqaab la kulmi doono.
 

Wiilkaan ayaa iska dhalay Aabe hinduu ah iyo hooyo Muslim ah.

Sanjey Dutt,ayaa shaca ka qaaday in hubka uu ahaa mid lama huraan ah si uu ugu difaaco Qoyskiisa,isagoo arintaasi u sababeeyay xilli lagu guda jiray Banaanbax ay dhigayeen Hindu-Muslim1993,taasi oo la xariirtay burburkii hinduugu ay u geysteen Masjidka lagu Magacaabo Badri ee ku yaala Mgaalada Waqooyi ee Ayodha. 

Jilaagaan ayaa caanaka ah caalamka iyo dalka Hindia,isagoona lagu xasuusto filimaan caan ah oo uu soo jilay intii uu ku jiray jlista Filimaanta Hindiga.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada