Midowga Yurub oo Hagaajinaya Amaanka Cunnada Puntland iyo la dagaalanka nabaad Guurka.

Midowga Yurub oo Hagaajinaya Amaanka Cunnada Puntland iyo la dagaalanka nabaad Guurka.

Modowga Yurub iyo shurakadiisa, Adeso iyo CARE waxay saxiixeen  laba  heshiis  oo  u  saamixi doona inay ka fuliyaan barnaamij cusub ee la xiriira deegaanka kaasoo ka cawini doona Puntland, Gobolka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, maareynta dhul-daaqsinka nugul ee sida xooga leh loo dar-xumeeyey.
Dar-xumida deegaanka Puntland waxay welwel xoog leh ku haysaa dadweynaha. arrintu Waxay khatar gelinaysaa deegaanka iyo dhaqaalaha maxaliga kaasoo si weyn ugu tiirsan xoolaha iyo howlaha reer-miyiga taasoo saameyn ku leh dhul balaaran oo qayb ahaan ay ka baxaan cows iyo geedo sida qaalibka ah loo isticmaalo dhaaqsi xoolaad oo balaaran.

Khataraha cimilada, maqnaashaha maamul wax gal ah iyo wax-soo-saarka dhuxusha (wallow la joojiyey 2002) waxay dedejiyeen dar-xumida dhulka. Waana arrintaas sababteeda in Midowga Yurub u go’aaansado in uu maalgeliyo barnaamji weyn ee dabooli doona dhammaan dhul-gaaqsika Puntland muddo 4 sannadood ah. Lacag dhan 25 milyan yuro ayuu Midowga Yurub ku bixin doonaa sidi loo yareyn lahaa nabaad-guurka meertada ah ayadoo laga taagyeerayo maamulka Puntland maamulid wax gal ah ee dhul-qaasinka iyo in lagu awood siiyo 120 bulshooyinka gobolka sidi ay u heli lahaayeen kala-mudnaanta-siinta dhowrista khayraadka dabiiciga ah dhulkooda.
Qorshaha cusub oo ay fulin doonaan CARE iyo ADESO waxay u abuuri doonaa dadka reer miyiga ah fursado shaqooyin kale oo ay ku jirto dib-u- soo nooleynta dhaqaale ku salaysan dhul-daaqa iyo howlaha “lacag ku bedelasho shaqo”. Intaa waxaa dheer, barnaamijka oo wajihi doona arrinka ku saabsan isticmaalka dhuxusha ee dhulka magaalooyinka asagoo ka saacid doona isticmaalka ila kala duwan ee shidaal wax lagu karsado (LPG). Barnaamijka Midowga Yurub wuxuu qayb ka yahay qorshaha Midowga Yurub ee dunida oo dhan ah ee lagu doonayo in lagu hagaajiyo Ujeedooyinka Horumarineed ee Kuleyda (MDG). Qorhshaan wuxuu si gaar ah gacan uga geesan doonaa MGD1 Soomaaliya ee lagu ciribtiraayo faqriga iyo baahida adag iyo MDG7 ee lagu sugayo is-wedidda deegaaneed. Dhammaad.
Waxaa Nasoo Gaarsiiyay Xafiiska EUDa ee Nairobi.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada