Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta loo qeybiyay nuqulada Dastuurka

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta loo qeybiyay nuqulada Dastuurka

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta loo qeybiyay nuqulada Dastuurka dalka, kaasoo ay dib u eegis ku sameynayaan, iyadoo kulankan uu yahay kii u horeeyay ee Baarlamaanka lagu horkeeno Dastuurka dalka tan iyo markii sanadkii hore ay ansixiyeen Ergadii laga soo xulay gobolada dalka.
Kulanka Baarlamaanka oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in baarlamaanka diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo danaha shacabka, isagoo u cadeeyay Xildhibaanada inay sugeyso howl qaran.
Prof. Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka laga doonayo inay dhayaan wixii kala gaaray umada, isla markaana ay shacabka u soo bandhigaan waxqabadkooda.
“Baarlamaanka howsha ugu weyn ee hor-taala waa Dastuurka sida KMg loo ansixiyay, waana in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, maadaama uu qabo qodobka 57aad oo dhigaya in dib u eegis lagu sameeyo”ayuu yiri Prof. Jawaari.
Prof. Jawaari ayaa sidoo kale xusay in looga baahan yahay Xildhibaanada inay shacabka gaarsiiyaan jawi ay ku soo doortaan dowladii hogaamin laheyd muddo ka badan afartan sano.
Lama oga inta ay qaadan doonto dooda Xildhibaanada ay ka yeelanayaan dib u eegista dastuurka, inkastoo loo gacan geliyay nuqulada Dastuurka, hase ahaatee looma cayimin mudada ay ku soo aqrisanayaan.
Dhinaca kale Gudoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa sheegay in maalinta berri uu Baarlamaanka hor imaanayo Wasiirka Garsoorka, Diinta iyo Awqaafta C/llaahi Abyan Nuur, si su’aalo looga weydiiyo howlaha dastuurka dalka.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii uu furmay kalfadhigii labaad ee Baarlamaanka, kadib muddo labo bilood oo uu fasax ku jiray Baarlamaanka, iyadoo Baarlamaanku uu hor yaalo howlo culus.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada