Mararka qaar haweeneyda ayaa si kadis u
ogaaneysa in ninkeeda arimo qaarkood uu ka qarinayo taasi oo durba
dhalineysa qilaafaadka dhanka qoyska ah .
Hadaba hadaad arimahaan ay ku haystaan ,
ka hor intaa adan kicin mushkilad waxaad is weydiisaa sababta ninkaada
ku qasabtay in uu wax ka qariyo.
Kalsooni Darro : tani waxaa lagu tirayaa
midda ugu daran ee dhalisa kuna qasabta ninka in uu ka qariyo xaaskiisa
arimo badan , waxa ayna u laaban kartaa tijaabooyin hore uu soo maray
ama in adiga uusan kugu kalsooneyn .
In Si Beer Jileecnimo Ah Aad U Wajahdo
Arimaha : haweenka aad ayay ugu beer jilcan yihiin arimaha qaarkood ,
taasina waxa ay ninkaada ka yeeleysa in uu ka shakiyo awoodda aad u
leedahay in aad u dul qaadato arimaha qaarkood , waxa laga yaaba in uu
ka baqayo in arintaas ay saameyn kugu reebto , hadaba si caqliyesan ula
tacaamul arintaan oo cadaadis haku saarin ninkaada in banaanka uu soo
dhigo waxa uu qarinayo waayo mushkilad kale ayay dhalin kartaa.
Tijaabooyin Hore Oo Fashilmay : la
iskama indho tiro karo tijaabooyin xun oo hore iyo saameynta ay ku
leeyihiin la tacaamulidda ninkaada , waxaa laga yaabaa in tijaabo hore
oo ah in arin haysatay uu kala hadlay dhinac kale balse kadis ay ku
noqotay in arintii bananaka u soo baxday .
In Si Qaldan Wax Uga Fahanto . Ninkaada
waa uu ka qarinayaa waxa laabtiisa ku jira maxaa yeelay hadii uu
dareensan yahay in si qaldan u fasiraneysid hadalkiisa taasi oo
qilaafaad keeneysa .
Waxa Uu Ka Baqayaa In Uu Ku Waayo:
cabsida uu ka qabo in aad ka fogaato ayuu ninka u sameynayaa in uu wax
qariyo gaar ahaan hadii arimaha ay la xariiraan dhanka ganacsiga ama
arimo quseeya qoyskiisa.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 03:00 and have
