Qilaafaadka badan ee labada lamaane ayaa
ugu dambeyntii noqda mid faraha iyo xakameynta ka baxa , waxa ayna
qubarada arimaha qoyska ee Aayaha Niolosha tilmaamayaan in ay jiraan arimo sabab u ah arimahaan oo ay haboon tahay in labada lamaane ka fogaadaan.
Waxa ay intaa ku darayaan qubarada in arinta ugu daran ee bur burka qoyska keenta in ay tahay iyadoo aysan jirin isa saamaxaadda labada lamaane .
In wax yaabaha ay kala filanayaan labada
lamaane ay yihiin kuwo laga bad badiyay( Is Laheysiin) tusaale in ninka
lamaantiisa u arko in ay u tahay hooyadiis oo kale ama walaashiis , waxaana hubaal ah
in iyadana aysan awoodin in taasi hal dufco ay ku siiso , sidoo kale bil
caksi gabarta waxa ay iska dhaadhicineysa in ninku u yahay aabe ,
aboowe taasina isna in hal dufco uu ugu sameeyo ma awoodo.
Qubarada Aayaha Nolosha waxa ay intaa ku
darayaan in iyana ay haboon tahay in labada lamaane marka ay arin ka
doodayaan in ay is weydaarsadaan codad.
Dhaahdeer oo ay qaylo ku jirto taasi oo ugu dambeyntii gaari karto in midkood uu mid kale yaso (Ihaano).
Sidoo kale fara galinta mar waliba ka timaaada labada qoys ee ay ka soo jeedaan midkood waxa ay arinta ka dhigeysa cows dab la qabadsiyay .
In Gabartu ninka ay qoorta u surto wax
ka weyn awoodiisa oo ku aadan dhanka dhaqaalaha , sidoo kale in labada
lamaane isku qilaafaan qaabka tarbiyeenta caruurta iyana bur burka
qoyska ayay keeneysaa.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:00 and have

