Ninyahoow Naag Kugu Qanacdo Ma Heleysid Inta Dabeecadahaan Aad leedahay

Ninyahoow Naag Kugu Qanacdo Ma Heleysid Inta Dabeecadahaan Aad leedahay


Nolosha qoyska ayaa qaraar isu badasha marka ay haweeneyda ay dareento in aysan u u dul qaadan karin dhaqamada ninkeeda wmn ayaa haatan ku siineysa dhowr arin oo ay haweenka aad u neceb yihiin ee ninyahoow il gaar ah isaga yeelo .
* In aad si joogto ah galab waliba ula baxdid saaxibadaada kuwa shaqada ama kuwo kale oo aadan guriga sal dhigin marka aad shaqada ka timaadid , waxa ayna tani dareensiineysa in aadan ihtimaam siineyn iyada iyo caruurta .
* In aad indhaha aad la raacdo haweenka marka iyada aad la joogtid , waxaa jira rag iyaga oo xaasaskooda la joogo hadii haweeney kale arkaan isha ku gubaya oo iloobayba in macaantiisa uu la joogo , marka uu soo xasuustana in gacalasidiisa la joogtay waa uu is difaacayaa kaasi haweenka waa neceb yihiin.
* In aad Tv-ga hor fariisatid marka aad shaqada ka soo laabatid oo aad indhaha ku haysid illaa la gaaro waqtiga jifka iyadoo intaas aan hal mar dareenkiisa siinin xaaskiisa , ogoow haweenka waxa ay u baahn yihiin in ay helaan waqti ay ragooda kula sheegeystaan , ogoow marka uu telka ku soo dhaco waa kan adiga oo telka ku dal dalmaya taas lamanatada ayaa kaaga baahan ninyahoow aan xariifka aheyn.
* In ninka uusan ihtimaam siin dharka uu xeranayo inkastoo xaaskisia u diyaarisay noocyo kala duwan oo dhar ah , waxa ayna haweenka jecel yihiin in ragooda la dookhaan nooca maalintaas uu xeranayo.
* In Ninka uu daqiiqad daqiiqad uu telka uga soo hadlo si uu ogaado dhaq dhaqaaqyadeeda aad ayay haweenka u jecel yihiin balse hadii laga bad badiyo waxa ay tani dareensiineysa in ilaalo uu ka hayo ee taxadar u yeelo qaab xariirka telka marka aad shaqada ku maqan tahay .

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada