PSG Oo Ku Guuleysatay Racfaankii Ibrahimovic, Kaasoo Haatan Labada Lugba Ka Horimaan Doona Barcelona.

PSG Oo Ku Guuleysatay Racfaankii Ibrahimovic, Kaasoo Haatan Labada Lugba Ka Horimaan Doona Barcelona.

Zlatan Ibrahimovic ayaa diyaar u ah inuu wajaho Barcelona labada lug ee wareega 8da Champions League ee ay la ciyaarayaan PSG.
Xiddiga reer Sweden ayaa markii hore lagu ganaaxay labo kulan ka dib casaan uu ku qaatay qalad halis ah oo uu sameeyay lugtii hore ee kulankii Valencia ee wareega 16 ee Champins League, waxaana uu seegay kulankii lugta labaad.
Si kastaba, ka dib markii UEFA ay dhageysatay racfaankii ay ka qaadatay ganaaxaas PSG, waxa ay maanta ogolaatay inay meesha ka saarto kulankii ugu harsanaa ganaaxiisa, taasoo la micno ah inuu wajihi doono kooxdiisa hore ee Barca labada lug.
PSG ayaa ku andacootay in sharciga uu raacay garsooraha inuu qalad ahaa madaama uu warbixintiisa ciyaarta ka dib ku xusay in qaladka uu dhacay marka kubada ay ka fogaatay balse taasi la cadeeyay inay qalad aheyd.
Ibrahimovic ayaana 2da bisha April u soo safan doono PSG kulanka Paris ay booqashada ku imaan doonto Barcelona.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada