Qaraxyo ruxay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq

Qaraxyo ruxay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq

Ilaa 48-ruux ayaa ku geeriyooday qaraxyo maanta ruxay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, kaasoo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, oo ay fuliyeen dad naftood hurayaal ah.



Qaraxyadan ayaa lala bartilmaameedsaday goobo ay ku badan yihiin shiicada, waxaana meelaha la beegsaday ka mid ah Suuqyo, maqaayado iyo goobo laga raaco baabuurta.

Waa qaraxyadii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Ciraaq muddo lix bilood ah, iyadoo ay ku soo beegantay 10-guuradii ka soo wareegatay duulaankii Mareykanka hogaaminayay ee xukunka lagaga tuuray Sadaam Xuseen.

Maleeshiyo Suniyiin ah oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa ku hanjabay inay weeraro ku qaadayaan goobaha shiicada ku badan yihiin.
Rabshadaha ka dhacaya Ciraaq ayaa sii xoogeysanayay dhowrkii sano ee u dambeeyay, markii kooxaha Suniyiinta ay kordhiyeen weerarada ay ku qaadayaan dadka shiicada ah.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada