Qiso Layaab leh:Waa Tuugo Laakiin......???

Qiso Layaab leh:Waa Tuugo Laakiin......???

waa tuugo laakiin............
1-mareykanka tuug ayaa wuxuu kaamera ka xaday gaari kadibna wuu usoo celiyey kadib markii uu gartay inay leedahay haweeney qabta kansar sawirrana ay isaga qaadeysay kaamerada si ay caruurteeda ugu soo xasuustaan markay dhimata.
 
2- sweden tuug ayaa wuxuu xaday laptop (computer) kadibna wuxuu ogaaday in laptopkan leeyahay bare jaamacadeed uguna jiraan baaritaanadii iyo lectureskii uu aruurinaayey muddo 10 sana ah kadib wuu unaxay waxii ku jiray computerka ayuu ku shubay flash memory kadibna wuu udiray.
 
3- germany tuug ayaa usoo dhacay guri wuxuu u yimiday naag caruur haysa wuxuu ku qasbay inay aamusta asiga oo qoray ku qabtay laakiin isla markiiba gurigii ayuu isaga baxay asigoo aan waxba ka qaadan waayo wuxuu arkay laba caryyr ah oo intay cabsadeen usoo taagaya lacag yar oo ay haysteen si uu ubadbaadiya kadibna wuu isku xishooday wuuna iska laabtay. 
 
4- australia tuug ayaa wuxuu arkay gaari daaqadihiisa furanyahiin kadibna wuxuu ka qaatay telfoon iyo boorso kadibna wuxuu ku arkay mobilkii sawirra caruur yaryar oo lakufsanaya intuu xanaaqay ayuu isu dhiibay booliska una qirtay inuu soo xaday mobilkan intaas wuxuu usameeyey kaliya si loo soo qabta ninkan mobilka leh ee caruurta kufsanaya kadibna waxaa cadaatay inuu yahay nin 46 jir ah xabsi ayaana lageliyey baaritaan kadib.
 
5- tuug ayaa wuxuu xaday gaari laakiin isla markiiba halkeedii ayuu kusoo celiyey kadib markuu arkay inuu canug ku dhex jira markaasuu lakulmay labadii waalid oo yaaban kadibna intuu ku qayliyey sababta ay canuga udayacaan ayuuna ka cararay hadaba maxaa kaaga baxay arrimahan ?? dadka aan uhaysana inay dadka ugu xunyahiin waxaa hubaal ah in laga helaya wax un kheyr ah haba yaraadee , insaanka markasta waa insaan wuxuu leeyahay qalbi iyo dareen waxaa muhiim ah inaan garana furayaasha kheyrka ku jira kuwaas si aan usoo nooleyno marlabaad kheyrka ku jira insaanka oo aan gacanta ka qabanna sidaa darteed qofka muslimka ah waxaa laga rabaa inuu wanaaga fara xumaantana reeba xitaa dadka ugu xun asigoo adeegsanaya dhimrin iyo jilicsanaan from ثقافة
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada