Qaar Ka Mid Ah Ardayda Waxkabarata Jaamacadaha Beledweyn Oo Bilaabay Hirgelinta Iskuullo Lacag La’aan Wax Loogu Barayo Dadka Danyarta Ah

Qaar Ka Mid Ah Ardayda Waxkabarata Jaamacadaha Beledweyn Oo Bilaabay Hirgelinta Iskuullo Lacag La’aan Wax Loogu Barayo Dadka Danyarta Ah

baladweyne
Qaar ka mid ah Ardayda Waxkabarata Jaamacadaha magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa bilaabay iney gudaha magaaladaasi ka hirgeliyaan mashaariic si lacag la’aan ah wax loogu barayo dadka danyarta ah ee aan awoodin iney lacag wax ku bartaan.

Munaasabad lagu furayey iskuul si lacag la’aan ah wax loogu barayo Ardayda danyarta ah ayaa lagu qabtay maanta xaafadda Buundo Weyn ee magaalada Beledweyn ayaa waxaa ka qeybgalay Waxgarad iyo Aqoonyahanno kuwaasi oo aad u dhiira geliyey talaabada ay qaadeen Ardayda wax ka barata Jaamacadaha magaalada Beledweyn.

Qaar ka mid ah Ardayda Jaamacaha wax ka barata ee iyagu bilaabay hirgelinta mashruucan ayaa u sheegay Warcad.com in qaadista talaabadan ay uga gol leeyihiin ineysan waxbarasho la’aan noqon jiilka usoo koraya magaalada Beledweyn.

Waa markii ugu horeysay ee magaalada Beledweyn laga bilaabo mashruuc noocaan oo ay si lacag la’aan waxbarasho ugu helayaan ardayda aanay waalidkoodu awoodin iney ka bixiyaan amaba geeyaan waxbarashada lacagta ah.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada