Siyaasiyiinta Somaliland ee u soo dhuumanaya Muqdisho oo sii kordhaya iyada oo masuulkii ugu danbeeyay ee Muqdisho soo gaara lafilayo in xil loo magacaabo.

Siyaasiyiinta Somaliland ee u soo dhuumanaya Muqdisho oo sii kordhaya iyada oo masuulkii ugu danbeeyay ee Muqdisho soo gaara lafilayo in xil loo magacaabo.

Axmed Cabdi Falaay oo horay u noqday ku-xigeenka duqa Burco ee deegaanka Somaliland ayaa la xaqiijiyay in uu Muqdisho soo gaaray dhawaan kadib markii uu ogaaday in Siyaasada Somaliland ay fashilantay oo aysan laheyn mustaqbal ifaya.

Falaay ayaa wararku waxa ay intaa ku darayaan in loo magacaabi doono in uu noqdo agaasime waaxeed kamid ah wasaaradaha xukuumada Federaalka Soomaaliya, iyada oo imaanshihiisaba ay lug kuleedahay wasiiraka arimaha dibada Soomaaliya oo u gacan haatineysa Siyaasiyiinta indheer garadka ah ee halkaasi jira in ay Soomaalida inteeda kale wax laqeyb sadaan.

Horay ayaa masuuliyiin jagooyin kasoo qabtay maamulka Somaliland ee waqtiga dheer raadinayay gooni isu taaga ay ugu soo duuleen Muqdisho si dhuumaaleysi ah kadib markii ay ogaadeen in ay lama huraan tahay Soomaaliya oo wax lala qabsado.

Si kastaba, soo dhuumashada Axmed Cabdi Falaay ayaa waxa ay imaaneysaa iyada oo dhawaan Somaliland ay xukun laba sano oo xarig ah ay ugu riday Suldaan Raabi Yuusuf oo lagu helay Dambi ah in uu Muqdisho tagay kana qeyb galay Shirar eesan Somalialnd raali ka aheyn.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada