Qodobo Ninkaada Daacadnimadiisa Ku Heli Karto Oo Caano Ma Daadshe Uga Dhigi Karto.

Qodobo Ninkaada Daacadnimadiisa Ku Heli Karto Oo Caano Ma Daadshe Uga Dhigi Karto.

Wax adag ma aha in aad ninkaada ka yeelato mid ku jecel oo daacad ku ah isla markaana ishiisa aysan qabaneyn gabar aan adiga aheyn kaliya waxaad ogaataa in ninka uu doonayo in lamaantiisa ay dareensiiso arimahaas .
* U ixtiraam sida aad dooneyso in uu kuu ixtiraamo.

* U sheeg mar waliba waxa aad adiga ugu dooratay in uu u noqdo gacaliyahaaga , una muuji illaa iyo heerka farxadaada tahay oo ku aadan in uu kuula joogo.
 
* Qadari dhamaan howlaha uu qabanayo xittaa haddii ay yihiin wax yar , u mahad celi si mar waliba uu kugu sameeyo.
 
* Dhageyso oo mar waliba u dhaga nugloow hadalkiisa, hana ku jarin hadalka mar waliba , sug inta hadalka uu ka dhameysto ka dib wax ka dheh .
*Eedaada ha yaraato xitaa hadii uu qaldamo hana ka tagin saamaxaadda ee fursad kale sii.
 
* Mar waliba ku dadaal in aad u sameeyso cunooyinka uu aadka u jecel yahay .
* Ka yeel mid dareemaya mas`uulka uu ka yahay guriga iyo adiga , dareensii in uu yahay hogaanka guriga , daryeel mar waliba.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada