Ra’iisul Wasaare Saacid oo gaaray degmada Cabudwaaq ee gobolka Galguduud

Ra’iisul Wasaare Saacid oo gaaray degmada Cabudwaaq ee gobolka Galguduud


Wafdigii uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ee xalay ku hoyday degmada Dhuusomareeb ayaa gaaray Cabudwaaq ee gobolka Galguduud.
Ka hor inta uusan gaarin wafdiga Ra’iisul Wasaaraha magaalada Cabduwaaq ayaa waxaa halkaasi gaaray ciidamo ka socda AMISOM iyo qaar kale oo Soomaali ah.
Dadweyne faro badan ayaa ku soo dhoweeyay wafdiga Ra’iisul Wasaaraha magaalada Cabudwaaq oo ah halka uu ka soo jeedo Ra’iisul Wasaaraha.
Booqashada wafidigan uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah tii ugu horeysey ee wafdi heer sare ah ee gaara Cabudwaaq.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa uu booqasho ku marayay deegaano ka tirsan gobolada dalka waxana uu hore uu u soo booqday degmooyinka Beledweyne, Marka, Afgooye, iyadoo la filayo in dhowaan Ra’iisul Wasaaraha uu booqdo xarunta gobolka Sh/dhexe ee Jowhar.
Booqashada uu Ra’iisul Wasaaraha ku marayo gobolada dalka ayaa loo arkaa mid wax weyn ka bedelaysa siyaasadiisa arrimaha gudaha iyadoo hore xukuumadiisa ay u hirgelisay qorshe loogu samaynayo maamulo gobolada dalka Soomaaliya.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada