Wadaad si weyn u taageera Shabaab oo sheegay in ee qaadayaan Masuuliyada Dilkii Sheekh C/Qaadir Nuur hadii Al-ictisaam..

Wadaad si weyn u taageera Shabaab oo sheegay in ee qaadayaan Masuuliyada Dilkii Sheekh C/Qaadir Nuur hadii Al-ictisaam..


Sheekh Xasaan Xussen oo loo yaqaano Abu Salmaan kana mid ah Wadaada sida weyn u taageersan Xarakada Al-Shabaab ayaa wuxu ka hadlay dilkii loo geestay Sheekh Cabdul qaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo lagu eedeeyo Shabaabku in ay naftiisa dhaafiyeen xili uu salaad Casir u taagnaa Masjid dhaxdiis.

Sheekh Cabdul qaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo lagu dilay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal laguna eedeeyo in Shabaabku ay khaarijyeen ayaa Sheekh Xasaan waxa uu sheegay in ay masuuliyada dilkiisa qaadanayaan hadii Ictisaam ay ogolaadaan in ay laayeen dad badan oo kamid ahaa dowladii Cabdullahi Yuusuf .

Hadalka Sheekha Shabaabka ah ayaa waxa uu u muuqdaa mid si cad u qeexaya in culimada iyo dadka laleynayo qaarkood loo beegsado aarsi iyo dad horay loo laayay maadaama uu Culimada Ictisaam uu ka dhigayo rag sida Shabaabka oo kale wax u khaarijiya.

Abu Salmaan ayaa horay waxa uu ugu dhawaaqay in dilka culimadda Al-ictisaam uu banaanyahay laguna beegsan karo meel kasta oo ay dunida ka joogaan, kadib markii culimadaasi ay Shabaabka ku sheegeen Khawaarijta casrigaan dagaal ka dhan ahna ay iclaamiyeen

Xiggasho:allbanaadir.com

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada