Arsene Wenger: Man United Ayaa Fursad Ka Fiican Real Madrid U Heysata Inay U Gudbaan Wareega 8da.

Arsene Wenger: Man United Ayaa Fursad Ka Fiican Real Madrid U Heysata Inay U Gudbaan Wareega 8da.


Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa aaminsan in Manchester United ay fursad ka fiican tan Real Madrid u heysato inay u gudubto wareega 8da ee Champions League.

Wenger oo sidoo kale falanqeeye ciyaaraha Champions League ka ah TV-ga Eurosport, ayaa maqaal uu ku qoro sidoo kale website-ka Yahoo Eurosport waxa uu kaga hadlay fekerkiisa ku aadan ciyaarta caawa ee ka dhaceysa Old Trafford.

“Real Madrid hubaashii waxa ay leedahay tayo ku filan oo ay gool uga dhaliso Manchester United. Laakiin marka United ay ku ciyaareyso garoonkeeda, waa mashiin shaqeynaya.” ayuu Wenger ku qoray maqaalkiisa Yahoo Eurosport.

“Sidaas darteed waa kulan balanqaadyo badan ay ka buuxaan. Weli waxaan qabaa in Manchester United ay waxoogaa yar ka fursad fiican tahay sababtoo ah waxa ay ku soo gudbi karaan 0-0.


 “Taasi waxa ay la micno tahay in Madrid lagu qasbi doono inay weerar qaado wax walba oo dhaca, halka United ay aad ugu fiican yihiin kubadaha counter-attack ah, islamarkaana ay dooqyo kala duwan ay heystaan bilowga ciyaarta madaama ay soo dhaliyeen gool marti ah.”

Manchester United iyo Real Madrid ayaa caawa isaga horimaan doona Old Trafford lugta labaad ee wareega 16ka Champions League iyadoo lugtii hore ay ku soo kala baxeen barbaro 1-1 ah.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada