Jose Mourinho: Cristiano Ronaldo Waa Ciyaaryahankii Abid Ugu Fiicnaa Adduunka.

Jose Mourinho: Cristiano Ronaldo Waa Ciyaaryahankii Abid Ugu Fiicnaa Adduunka.


Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa amaanay Cristiano Ronaldo oo uu ku tilmaamay ciyaaryahankii abid ugu fiicnaa ka hor kulanka lugta labaad ee wareega 16ka Champions League ee Manchester United ay caawa la ciyaarayaan.

Tababaraha labada jeer ku guuleystay Champions League ayaa ku tilmaamay xiddiga reer Portugal inuu ka fiican yahay Diego Maradona iyo Pele, islamarkaana Ferguson ay waqti adag ku noqon doonto inuu xal u helo sidii uu ku aamusin lahaa ciyaaryahankiisii hore.

ITV Sport ayaa weydiisay Mourinho, tayada kala saari karta caawa kooxaha United iyo Madrid waxaana uu ku jawaabay: “Inaan noqono kooxdeyda, wax kale maya. Hadii aan nahay kooxdeyda, waa badin doonaa.

“Sidee United u celin kartaa Cristiano Ronaldo? Taas dhibaatadeyda ma ahan, marna dhibaatadeyda ma aysan noqon. Marna ma doonayo inaan celiyo Ronaldo. Waa iyaga dhibatadooda midaas.

“Waa ciyaaryahanka ugu fiican. Haa, ciyaaryahanka ugu fiican adduunka. Malaha ciyaaryahankii abid ugu fiicnaa.

“Dhowr jeer ayaan arkay Maradona. Waligeey ma arkin Pele. Laakiin Cristiano waa ciyaaryahan cajiib ah. Ninkaan waa ciyaaryahanka ugu fiican. Laakiin isaga xitaa kaligiis kooxda uma badin karo. Furaha waa kooxda oo dhan, kooxdana waxa ay u baahan tahay isku dheelitirnaan, iyo dad shaqooyin kala duwan ku qabanaya. Heerkaan oo kale hadii qof uu shaqadiisa ka soo bixi waayo fursad ma heysano.

“Marna ma dhahno Cristiano ayaa leh mas’uuliyada marka aan guuldareysano ciyaar, mana ku fekeri karno inuu yahay kan kaliya ee inoo badiya. Kooxda la’aanteeda waxba ma ahan, laakiin hadii kooxda uu ka maqan yahay, kooxda sideedii ma ahan.”

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada