ila Tali: Dooqa waalidkey miyaan doortaa mise gacaliyaha aan jeclahay ayaan guursadaa?

ila Tali: Dooqa waalidkey miyaan doortaa mise gacaliyaha aan jeclahay ayaan guursadaa?


Qof dumar ah oo ka mid ah aqristayaasha ku xiran boggan ayaa inoo soo dirtay
fariin qoraaleed ay ku dalbaneysay talada aqristayaasha, waxa ayna inoo soo dirtay fariin qoraaleed u dhignaa sidan:


Ugu horeyn waxaan u mahad celinayaa bahda webka wmn kuwaasoo ii suura geliyay in aan soo gudbiyo dareenkeyga gaarka ah iyo qiso nolosheyda quseysa taasoo aan ila iyo haatan u weysanahay xal iguna abuurtay wareer fara badan.

Qisadana ayaana ah in aan ku dhex jiro arin qalbigeyga murugo ku reebtaytaasoo ah in aan jeclahay mudo 4 sano ku dhawaad ah wiil ay dhashay habaryarteey, dhowr mar ayuu iga soo doontay aabahey, balse aabe ayaa ku gacan seyray waxa uuna mar walba igu yiraahdaa wiilkaan kuguma haboona kuumana qalmo.

In badan waan dulqaatay waana aqbalay talada waalidkey oo waa la baajiyay arinkii soo doonashada balse anigu kama rajo dhigin in aan wiilkaas xaaskiisa noqdo oo aan mar uun nolol wadaagno waxa aana marwalab ku dadaali jiray in aan aabahey ku qanciyo siduuu ku aqbali lahaa wiilkaas.

Balse nasiib darro sinaba waan uga dhaadhicin waayay aabahey in uu arinkaas aqbalo taasoo igu abuurtay murugo jaceyl iyo in aanan nasiib u laheyn helista jaceylkeyga.

Laakiinse arinka ugu yaabka badan ayaa ah in mardhow uu aabahey iisoo bandhigay in aan guursado wiil ay aqoon fiican isu leeyihiin kaasoo ah ganacsade xoogaa maal leh waxa uu aabe igu yiraahdaa marwalba gabadheydiyeey wiilkani waa qofku kaliya ee kugu haboon waana qofka kaliya ee noloshaada damaanad qaadi karo, mana dareemi doontid dhib iyo rafaad nolol sare oo raaxo leh ayaadna geli doontaa ee wiilkaan ayaan ku siinayaa gabadheydi.

Rintii waan yaabanahay, wax aan sameeyana ma garanayo, shaqsi ahaan ma doonayo in aan aqbalo
maxaa yeelay qalbigeygu wuxuu jiraa meel kale, mana aaminsani in uu nin kale nolosheyda u qalmo balse hada maxaan sameeyaa?

Dooqa aabaheyd miyaan ku raacaa oo waan aqbalaa ninkaas?

Mise dooqeyga ayaan ku adkeystaa ilaa iyo aabe uu ka ogolaanayo ninka aan jeclahay?

Fadlan taladiina igu caawiya, waxaan ku jiraa xaalad wareer badan..!


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada