R/wasaare Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Dhuusomareeb

R/wasaare Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Dhuusomareeb

Ra/iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusomareeb ee gobalka Galgaduud halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan ahlusuna iyo qeybaha bulshada.
Wafdiga R/wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah wasiiro ka tirsan xukuumada iyo xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaana wafdigan ku soo dhoweeyay garoonka dayuuradaha ee magaalada Dhuusomareeb ciidamo ka tirsan AMISOM oo shalay gaaray magaaladaas.
R/wasaaraha ayaa wadahadalo la bilaabay maamulka Ahlusuna ee gobolka Galguduud, ammaanka magaalada Dhuusomareeb ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamada AMISOM iyo kuwa Ahlusunna ay sugayaan ammaanka magaalada Dhuusomareeb.
Booqashada R/wasaaraha ayaa ah tii ugu horeysey ee uu ku tago magaalada Dhuusomareeb iyadoo uu hore R/wasaaraha u booqday magaalooyinka Baydhabo iyo Marka.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada