Waxyaabaha Sababa in Dhallinyarada Qaar Finnan Wejiga ku Yeeshaan, Qaarna Aanay ku Yeelan.

Waxyaabaha Sababa in Dhallinyarada Qaar Finnan Wejiga ku Yeeshaan, Qaarna Aanay ku Yeelan.

Finnanka lagu yeesho ama ka soo baxa wejigu waa waxyaabaha murugo geliya dhallinyaro badan, sidaa darteed dhakhaatiir u dhalatay Maraykanka ayaa sameeyey cilmi-baadhis caafimaad oo ay ku ogaadeen sababta dadka qaar ay finnanku ugu badan yihiin, qaar aanay u lahaynba.

Cilmi-baadhayaashan oo ka tirsan mac-had la yidhaa UCLA ayaa daaha ka qaaday bakteeriyo ku nool maqaarka oo sababta finnanka xad-dhaafka ah, waxay ogaadeen in bakteeriyadu leedahay laba nooc oo kala ah mid sababta finnan iyo mid maqaarka difaacda.

Khubaradan waxay sheegeen in bakteeriyadan la kala yidhaah Bad Bacteria (Bakteeriyada xun) iyo Good Bacteria (Bakteeriyada fiican), sidaas darteedna ay bakteeriyada xumi qofka ku keento inay finnan badani wejiga ka soo baxaan.

Sidoo kale, khubaradu waxay sheegeen in misaan la?aanta bakteeriyooyinkan oo ku jira mindhicirka weyn ay sababaan dhibaatooyin ku yiimaada hab-dhiska dheef-shiidka jidhka.

Arrintan cusub ee khubarado soo bandhigtay ayaa albaabka u furtay in daawo cusub loo helo finnanka sida ay sheegeen saameeya 80% dadka da?doodu u dhaxayso 11 jir ilaa 30 jir, halka 5% haweenka 25 jirka ah iyo 1% ragga da?daas ah arrintan aafayso.

Waxaannu ogaanay in dhammaan finanka aanay bakteeriyo isku mid ah sababin, sababtoo ah bakteeriyada qaar baa maqaarka ku ilaaliya caafimaadka, waxaannu rajaynaynaa in natiijadayada lagu dabakhi doono in la soo saaro daawo cusub oo ka hortagta finanka noocan ah,? ayuu yidhi Dr. Huiyin Li oo ah khabiir ka tirsan xarunta daawooyinka iyo caafimaadka ee UCLA.

Saynisyahannadano daraasadooda ku daabacay wargeyska la yidhaa Investigative Dermotology ayaa sheegay in dawo cusub oo la yidhaah propionibacterium loo helay finnanka dhallinyarada ka soo baxa wejiga, taasoo godadka jidhka ku khasabta in ay quutaan saliida ay dibadda u soo saarilahaayeen, kadib marka bakteeriyadan weerarto hab-dhiska difaaca, taasoo haddii aan dawadan la siin qofka ku keeni karta in dibadda u soo saarto finnan buurbuuran oo afka hore cas yahay.

Dr. Noah Craft oo khubaradan ka tirsan ayaa isagu sheegay in bakteeriyadan aanay ahayn cudurrada maqaarka ku dhaca, balse ay sidoo kale sababto finnanka, halka iyada laf ahaanteeda mid ka mid ahina ay keento in maqaarka laga difaaco cudurrada qaar.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada