Sahruuja Siman Oo Markii 3aad Hees Magaceedu Yahay Bye Bye Soo Saartay Daawasho Wacan

Sahruuja Siman Oo Markii 3aad Hees Magaceedu Yahay Bye Bye Soo Saartay Daawasho Wacan


Fanaanada magaceeda iyo heesaheeda maalmahan si aad ah looga hadal hayo meel walba oo ay bulsha weynta Soomaalida joogto Sahruuja Siman ayaa isbuucii 3aad oo is xiga soo saartay hees iyo muuqaal is wata oo la magac baxday Bye Bye.

Heestan Bye Bye oo ay Sahruuja kusoo bandhigeyso heybad faneedkeeda cod, Muuqaal iyo hab ciyaareed aad kuusoo jiidanaya, waxa aan dhihi karnaa waxa ay ku taqasustay ama si aad ah ugu luuqeysaa heesaha nooca loo yaqaano banaadiri ama Xamari.

Waa ereyadii Mohamed Tanzaniya, halka uu ka laxameeyay Aweys Gulangul, dhanka Musiga macaan waa Ahmed Cade iikar, waxaa muuqaalka wanaagsan ee Video-gan ku fara yareystay soo saaraha weyn Ibrahim Eagle iyo Samatar S Saalah oo mar kale muujiyay heerka ay ka gaareen duubista iyo soo saarida muuqaalada qurxoon.

Waxaan leenahay Sahruuja Siman dadaalkaaga halkaaga ka sii wad, waxaad waqti gaaban ku hanatay qalbiyada shacab weynaha jecel fankeena, waxaana kuu rajeyneynaa horumar iyo inaad hiigsato heerka aad jeceshahay.



_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada