Mudanayasha baarlamaanka oo walwal ka muujiyay qiime dhaca dollarka Maraykanka

Mudanayasha baarlamaanka oo walwal ka muujiyay qiime dhaca dollarka Maraykanka


Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta markii ugu  horeysey kulmay muddo saddex maalmood ah kadib markii uu kooramkiisii 
buuxsami waayay waxaana maanta qodobadii ay ka hadleen kamid ahaa hoos u dhaca ku yimid dollarka Maraykanka.
Fadhigan ayaa waxaa soo xaadiray oo goobjoog ka ahaa 142 mudane waxaana shir gudoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalle Cawad.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa waxaa loo qeybiyay xeer-hoosaadka baarlamaanka ee qabyada ah si ay uga doodaan xildhibaanada.
Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo dooda kadib ka hadlay fadhiga xildhibaanada ayaa waxa uu ka hadlay hoos u dhaca ku yimid sarrifka lacagta Dollarka ah iyo sare u kaca ku yimid maciishada, waxa uuna xildhibaanada ugu baaqay in ay si dag dag ah ay golaha u horyimadaan wasiirka maaliyada iyo R/wasaaraha si wax looga weydiiyo waxyaabaha sababay.
Hoos u dhaca ku yimid sarifka Dollarka ayaa waxaa qeylo-dhaan xoogan ka muujiyay shacabka Soomaaliyeed waxaana arrintan looga fadhiya in ay wax ka qabto dowladda Soomaaliya.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada