Samsung oo soo saartay Galaxy S4 kaasoo leh arimo dhowr ah oo dunida ka yaabiyay

Samsung oo soo saartay Galaxy S4 kaasoo leh arimo dhowr ah oo dunida ka yaabiyay


Shirkadda Samsung ayaa Magaalada New York kusoo bandhigay Mobile-keedii mudada la sugayey ee Galaxy S4, kaas oo baddali doona Galaxy S3 oo soo baxay hal sano ka hor, islamarkaasna noqday Smartphonekii loogu gadashada badnaa ee Adduunka muddo 6 bilood gudaheed ah.

Galaxy S4 ayaa aad ugu eg isla Mobilekii ka horreeyey ee Galaxy S3, iyadoo markaad aragto labada Mobile aadan kala garanayn, laakiin markii aad gacanta ku qabato ay kuusoo baxayaan farqiga u dhexeeya labadooda.


Mobile-kaan cusub ayaa suuqa soo galaya dhammaadka bishaan April, iyadoo ay bixinayaan in ka badan 157 Shirkadood oo ka mida kuwa isgaarsiinta Adduunka. Wuxuuna ku shaqaynayaa adeegga anteenada 3G iyo 4G LTE.


Inkastoo aysan Samsung madasha ka sheegin qiimaha haddana waxaa la filayaa inuu taleefoonku noqon doono inta u dhaxaysa $200-300 dollar oo lacagta Maraykanka ah waa marka aad ku qaadato qaabka kunturaadda (heshiiska shirkadaha taleefanada ee socda mudooyinka sanadada ah) ama $600-900 dollar oo aan lahayn kunturaad, marka aad sida tooska ah u gadaneysid Mobile-ka. Iyadoo mugga taleefoonku isugu jiro 16,32, iyo 64 internal Memory iyo weliba ilaa 64 GB oo dheeraada haddii aad soo gadato cardka yar ee mugga badiya.





Waxyaalaha Galaxy S4 ay Samsung kusoo kordhisay ayaa waxaa ka mida Screen-ka oo weyn, Battery dheeraad ah, xawaaraha Processorka oo badan, Camerada oo la kordhiyey, Resolution-ka ama aragtida gudaha oo la kordhiyey iyo weliba Software-ka oo kii ugu danbeeyey ee Android lagu shubay.

Waxaase intaas oodhan ka muhiimsan dhinaca Software-ka oo Samsung ay kusoo saa’idisay features ama farsamooyin cusub oo cajiiba, sida:-
- Adoo daawanaya video hadaad meel kale usii jeensato automatically ayuu videogu u istaagayaa isagoo garanaya inaad meel kale fiirisay. 
- Markii aad page akhrinayso ama qoraal akhrinayso uma baahnid inaad gacanta ku durkiso ama ku dhaqaajiso pageka, indhahaagu markay hoos aadaan ama kor aadaan isagaa pageku is dhaqaajinaya, isagoo mobileku hadba eegayo meesha indhahaagu fiirinayaan. Sawirada ama Videos-ka adigoon gacanta mobileka ku taaban baad badbadali kartaa, gacanta ayaad mobileka ugu ishaaraysaa inuu sawirka baddalo ama aado page-ka kale adigoon taaban Mobileka.
- Markii aad aragto inaad eegto links ama folder, uma baahnid inaad gacanta ku taabatid farta ayaad meesha ku dhawaynaysaa markaasuu ku tusayaa ama kuu zoom gareynayaa adoon taaban shaashadda. 
- Iskumar baad Camerida hore iyo midda danbe labadaba sawir ku qaadi kartaa, 
-Dhowr qof baad inta sawir ka qaado oran kartaa qofkaas iga tirtir, isagaa mobileku meesha ka saaraya qofkii aad rabtay in pictureka laga saaro. 
- 100 sawir baad qaadi kartaa in 4 seconds 
- Taleefon markuu kuusoo dhaco adoon meel taaban baad taleefonka qaban kartaa adoo adeegsanaya ishaarada gacanta.
Isku soo duuduuboo Galaxy S4 ayaa ka muraayad wayn kana ballaaran Galaxy S3, laakiin waxaa cajiiba inuu ka fudud yahay oo ka khafiifsanyahay walow uu ka waynyahay. 

Waxaana la filayaa in taleefoonkaan Gacanta ee ay Samsung soo saartay cirka kusii dhajiso tartankii iyo dagaalkii u dhexeeyey Apple iyo Samsung oo aan aysan weli labada shirkadood xal ka gaarin.




_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada