Saraakiil sar sare oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa ku geeriyootay qaraxii xalay ee Diinsoor (Aqri magacyada Saraakiil Sar sare)

Saraakiil sar sare oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa ku geeriyootay qaraxii xalay ee Diinsoor (Aqri magacyada Saraakiil Sar sare)

Iyada oo habeenkii xalay ahaa qarax xooggan uu ka dhacay bartamaha magaalada Diinsoor xilli Shabaab ay maleegayeen weerarro qaraxyo loo adeegsado oo sida la sheegay ay Baydhabo ku qaadi lahaayeen ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan qasaaraa qarxaasi Shabaabka ku gaaray.

Qaraxa oo ka dhaashay gaari lagu cabeynayay walxaha qarxa ayaa waxaa ku geeriyooday saraakiil Shabaab ah oo ay ugu weynyihiin Abaanduulihii dagaalamayaasha Shabaab ee Gobolada Baay iyo Bakool oo magaciisa lagu sheegay Macalin Jinow, Gudoomiye ku-xigeenka maxkamada Al-Shabaab ee degmada Diinsoor ee qaruxu ka dhacay iyo Taliyihii saldhiga isla degmada Diinsoor iyo sarkaal kale oo magacyadooda iyo derejadooda wali aan la shaacin.
 

Qaraxaasi oo ahaa kii labaad ee qasaare Shabaab kasoo gaaro iyaga oo diyaarinaya muda bil gudaheed ah ayaa waxaa wararku intaa ku darayaan in kooxda ay sidoo kale saraakiil sar sare uga dhwacantay kuwaas oo dhiig lagu shubo ay ka codsadeen Shabacka Diisoor.

Wararka hor dhaca ah ee laga helay degmada Diinsoor ee gobalka Baay ayaa waxa ay sheegayeen in gaariga lagu cabeynayay walxaha qarxa ee Shabaabka qasaaruhu kasoo gaaray in bartilmaameedkiisu ahaa magaalada Baydhabo oo xilligaan ay ku suganyihiin xildhibanadii ugu badnaa ee mar qura taga tan iyo markii ay Baydhabo aheyd xarunta dowlada Soomaaliya.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada