U Gaar Ah Gabdhaha : Nin Tilmaantaan Leh Mala Sheekeysataa? Kan Kuuma Qalma Ee …

U Gaar Ah Gabdhaha : Nin Tilmaantaan Leh Mala Sheekeysataa? Kan Kuuma Qalma Ee …

Haween badan ayaa ku jahwareersan xulashada tilmaamaha lamaanaha nolosha la wadaagaayaan waxa ayna warcad haatan ku siineysa talooyin ku aadan rag ay haboon tahay in aad ka fogaato.

* Ninka aamusnaanta badan : waxaa adag in la garto waxa uu doonayo , in uu faraxsan yahay iyo in uu murageysan yahay , waxa uuna ahaanaya mid ka fog la sheekeysigaaga.

* Ninka isaga uun isku mashquulsan , waxa uu daneeyaa kaliya muuqaalkiisa iyo labiskiisa .

* Ninka u arka dadka kale dhan kuwo xun oo akhlaaq daran isla markaana aamisnan in qof ka wanagsan uusan jirin iyadoo haddii lamaantiisa qalad ka gasho waa ay adag tahay in uu saamaxo .

* Ka digtoonoow kan bakhiilka : waxaa muhiim kuu ah gabaryeey in aad kala ogaato marka hore farqiga u dhaxeeya ninka bakhiilka iyo kan aan wax haysan , kan bakhiilka uma wanaagsana haweenka noloshana waa uu ku cariiriyaa.

* Daneysataha : waa mid qaata hadiyadaha qofta jaceyl wadaaga uu la yahay , hadal macaan balse hadii uu arko gabar ka lacag badan waa uu ka cararayaa si deg deg ah .

* Balan ku Beenlaha : balan ayuu kaa qaadayaa daqiiqad ka dibna waa uu ka baxayaa jawaabtiisana waxa ay noqoneysaa beri ayaan kuu sameynayaa mana dhamaato maalintaas.

* Midka ciyaal maamaha ah : kan wax talaabo ma qaadayo in uu ogalaansho ka helo hooyadiis mooyee , waxa uuna hooyadiis fursad u siiya in ay noloshiisa xaaska toos u maamusho, xitaa hadii uu wax ku siinayo hooyadii ayuu la tashanayaa.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada