Wafdigii ugu horeeyey ee ka socda Qaramada Midoobay afar sano kadib oo gaaray magaalada Jowhar

Wafdigii ugu horeeyey ee ka socda Qaramada Midoobay afar sano kadib oo gaaray magaalada Jowhar

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ka kooban shan xubnood ayaa markii ugu horeysay gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe afar sano kadib.
Wafdigan oo safarkooda dhinaca dhulka ah ugaga baqoolay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay duhurnimadii maanta ku gaareen magaalada Jowhar.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cismaan Jiinow Calasow ayaa waxaa uu ku qaabilay wafdigan xarunta maamulka gobolka Sh.dhexe, waxayna wafdigan isla maanta booqdeen garoonka dayuuradaha ee degmada Jowhar halkaa oo ay ka socoto dayactir lagu samaynayo garoonka.
Wafidgan oo ka socday hay’adaha UNICEF iyo UNDP ayaa waxaa ay  soo gaareen magaalada Jowhar afar sano kadib markii ay la wareegeen ururka Alshabaab.
Xaruntii Unicef ee ugu weyneyd ee bartamaha Soomaaliya ayaa wafdigan ay booqdeen maanta iyadoo xaruntaa burbur xoog leh soo gaaray.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada