Wasiirka Arrimaha dibada Masar oo soo gaaray Muqdisho iyo Safaarada Masar oo dib loo furayo (Daawo Sawirro)

Wasiirka Arrimaha dibada Masar oo soo gaaray Muqdisho iyo Safaarada Masar oo dib loo furayo (Daawo Sawirro)


Wasiirka Arrimaha dibada Masar Maxamed Kaamil Caamir ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoo si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Mr Caamir iyo wafdigiisa ayaa kula kulmay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Masar ay gacan uga geysan laheyd taageerida Hey’adaha dowladda.
Sidoo kale Wasiirka ayaa la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay arrimo badan ka wada hadleen, iyagoo isku afgartay dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Shir jaraa’id oo ay si wada jir u qabteen Wasiirka Arrimaha Dibada Masar iyo dhigiisa Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji ayaa waxay faah faahin kaga bixiyeen wada hadaladooda iyo heshiis ay kala saxiixdeen.
Kuxigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha dibada Fowziyo Yuusuf ayaa sheegtay in dowladda Masar ay u muujisay waxqabadkooda, iyadoo xustay inay ka qeyb qaadan doonto taageero dhinacyo badan, sida Nabadgelyada, Gaashaandhiga, Caafimaadka, Waxbarashada iyo ko u qaadista tayada hey’adaha dowladda.
Ms Fowziyo ayaa sheegay in Masar ay tahay dad walaalo ay yihiin, waxaana ay tilmaamtay inay ku faraxsan tahay heshiiska ay kala saxiixdeen, isla markaana wixii haatan ka dambeeya ay safaaradooda si rasmi ah u furan doonaan.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibada Masar ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in magaalada Muqdisho uu yimaado, si dib loogu soo celiyo xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in xiriirkan uu sal u lahaan doono xiriiradii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Masar sanadihii lixdameeyadii.
Wasiirka Arrimaha dibada Masar oo booqashadiisa hal maalin ah ayaa sheegay in Safaaradooda dib uga furan doonaan magaalada Muqdisho.
Waa booqashadii u horeysay oo Wasiir ka tirsan dowladda Masar uu Muqdisho yimaado, muddo ka badan labaatan sano.









_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada