Duqa degmada Gaalkacyo Col. Axmed Cali Salaad oo ka hadlay afduubyo dad shacab ah loo gu gaystay Gaalkacyo.

Duqa degmada Gaalkacyo Col. Axmed Cali Salaad oo ka hadlay afduubyo dad shacab ah loo gu gaystay Gaalkacyo.


Duqa degmada Gaalkacyo Col. Axmed Cali Salaad ayaa ka hadlay afduubyada la isaga kala gaysanaya labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo kadib shir jaraa’id oo uu maantay qabtay.
Duqa degmada Gaalkacyo  ayaa waxa uu si kulul ugu hadlay arimo mudadii danbe caado unoqatay magaaladda Gaalkacyo kadib markii ay soo noq noqdeen falal ay geesanayaan maleeshiyaad kasoo kala jeeda labada dhinac ee magaaladda Gaalkayo oo ay ka kala arimiyaan maamulada Galmudg iyo Puntland falalkaasi oo ah afduubyo loo gaysanayo dad shacab waxana uu sheegay duqu in ariintaasi ay tahay mid an la aqbali kariin ayna geesanayan dad wax magarato ah kuwaasi oo jecel dhib gobolka ka dhaca.

“Waxaa wax laga xumaado ah inay caado noqoto afduud dad shaacab ah loogaysto islamarkaana lugu haysto guryo waana wax an horay loo aqoon taasina waxaa dhaanta xabada maa dama ay tahay waxan horay dadka ku dhaqan gobolka Mudug ay san umaqal waana arin ubaahan in taalabo laga qaado dhinacna looga soo wada jeesto”waxaa intaasi yiri duqa degmada Gaalkacyo Col. Axmed Cali Salaad.

Dhinaca kale waxaa uu duqu dhaliil dusha usaaray odoyaasha waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay ka gaabiyeen xubintoodi ayna wax ka qaban arinatan xun ee gobobalka ka bilaabatay wuxuu ugu baaqay inay u istaagaan xalinta ka qayb qaadashada ka hor tagista wax walboo xumayn kara wada daganaasha magaaladda.


“Odoyaashu waxaa ay umuuqdan xiligaan kuwo dhagahooda kalaabtay arimahaan foosha xun ee gobolka kusoo laab laabanaya waxana ay yihiin kuwo aan qadan doorkodi odaynimo,odayaashu waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u istaagaan arimahaan gobolka kajira doorkoda kaga adaan ka qaatan”waxaa intaas hadalkisa kusoo qaaday duqa deqmada Gaalkacyo.

Col. Axmed Cali Salaad maayarka degmada Gaalkacyo ayaa waxaa uu dadka dagan koonfurta Gaalkacyo ugu baaqay inay soo daayaan dadka lagu haysto muddo fara badan koonfurta Gaalkacyo dadkaasi oo gacanta ugu jira dad kasoo jeeda koonfurta Gaalkacyo.

Ugu danbaytii duqa Gaalkacyo waxaa uu fariin adag udiray dadka afduubyada ka gaysanya gobolka mudug waxana uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay talabo loga qaadi dooni haddi aysan kawan toomin dhaqankooda.
 
Si kastaba hadalka maayarka degmada Gaalkacyo ayaa kusoo beegmaya xili mudadan danbaaba ay gobolka mudug kusoo bateen afduubyo loo gaysanayo dad shacab ah kuwasi oo lugu kala haysto dhinacyada magaaladda Gaalkacyo.


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada