Warar sheegaya in Dagaalyahnada Al-Shabaab gudaha u galeen Degmo Muhiim ah ee gacanta ku hayeen Ciidamada Huwanta

Warar sheegaya in Dagaalyahnada Al-Shabaab gudaha u galeen Degmo Muhiim ah ee gacanta ku hayeen Ciidamada Huwanta

Wararka laga helayo Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhaxe halkaasi dagaal culus oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Raaskanbooni oo kaashanaya kuwa Kenya uu ka qarxay kaa oo soo gaba gaboobay goor aan sidaa u fogeyn.

Ciidamada Al-Shabaab ayaana lasoo sheegayaa in qeybo kamid ah Degmada Afmadow gudaha u galeen halkaas uu ka dhacay dagaal aad u xoogan oo labada dhinac dhax maray iskuna adeegsanayay hubka culus iyo kuwa fudud.

Saraakiil katirsan Al-Shabaab ayaa goordhaw u sheegay Warbaahinta Afkooda ku hadasha in gudaha ugu jiraan Degmada Afmadow ayna dagaal kala horjeedaan Ciidamada Huwanta ah inkastoo ay muujiyeen rajo xumo ku aadan in ee kusii nagaadaan goobaha ee hada joogaan.

Dhanka kale Isgaarsiinta Degmada Afmadow ayaa hawada laga saaray lamana oga cida amarka hawada looga saaray Isgaarsiinta leh , shacabka ku dhaqan Afmadow ayaana guryahooda ku xareesan kuwaa oo ka cabsi qaba in waxyeelo kasoo gaarto labada dhinac ee is haya.

Ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Dowlada iyo kuwa Raaskanbooni ee kusugan Gobolka Jubada Hoose oo ku aadan dagaalka la sheegay in Al-Shabaab ku galeen gudaha Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Al-Shabaab ayaa marar badan sidan oo kale Degmada AFmadow iyo Deegaano kale oo katirsan Jubada Hoose Dagaal ku galay inkastoo aysan kusii nagaan daqiiqado kadib laga saaro ama naftooda isaga baxaan iyaga oo ku macneeya xeelad milatari.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada