Daawo Sawirada Prof Jawaari oo kulan Xasaasi ah la qaatay Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Itoobiya ee Konfur Galbeed Soomaaliya kusugan

Daawo Sawirada Prof Jawaari oo kulan Xasaasi ah la qaatay Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Itoobiya ee Konfur Galbeed Soomaaliya kusugan

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kusugan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa maalintii shalay waxa uu kulan xasaasi ah la qaatay Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Itoobiya ee kusugan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Prof Jawaari ayaa Saraakiisha Itoobiya kala hadlay sidii loo adkeyn lahaa amaanka Goobaha ee ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya iyo sidii Al-Shabaab looga saari lahaa Goobaha ee ka joogaan Gobolada Baay iyo Bakool ,waxa uuna ka codsaday Jawaari Sargaalka Itoobiyaanka in eesan ku dag dagin ka bixitaanka ee ka baxayaan goobaha ee hada ku suganyihiin iyaga oon ku wareejin Ciidamada AMISOM.

Lama shaacin qodobada rasmiga ah ee isla dhinac dhigeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Saraakiisha Itoobiya uu la kulmay hasa ahaatee kulanka ayaa ujeedkiisa ahaa sidii Sarakiisha Ciidamada Itoobiya looga codsan lahaa in eesan deg deg ku faarujin goobaha ee ka joogaan Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa imaanaya xili dhawaan Ciidamada Itoobiya gabi ahaan baneeyeen Degmada Xudur ee Gobolka Bakool halkaa ee Dib ula wareegeen AL-Shabaab, iyadoona Warar kale oo soo baxayay ee sheegayeen in Ciidamada Itoobiya doonayaan in ee ka baxaan Gobolada Baay Bakool iyo Gedo goobaha ee hada ka joogaan inkastoo aan wali la shaacin waxa Itoobiyaanka ku qasbay in ee baxaan.


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada