Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo saaka ku wajahan Kismaayo iyo Bandow maalin ah oo la geliyay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo saaka ku wajahan Kismaayo iyo Bandow maalin ah oo la geliyay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa saakay lagu wadaa inuu gaaro magaalada Kismaayo, kadib markii uu dib u dhac ku yimid safar uu shalay ku tagi lahaa, iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay.
Qaban qaabada soo dhoweynta wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa ka socotay magaalada tan iyo shalay, waxaana magaalada ku sugan Wafdi wasiiro ah, kuwaasoo ka shaqeynayay ammaanka iyo qaabka soo dhoweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamo fara badan la dhigay wadooyinka, iyadoo bandow maalin ah la geliyay, si ammaanka guud loogu xaqiijiyo, waxaana tan iyo xalay guud ahaan magaalada ay aheyd mid ciidan.
Taliyaha Amniga ee Kismaayo Maxamuud Qaalib ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in magaalada ay tahay mid bandow ah, laga bilaabo 6-da subaxnimo ee saaka ilaa 12-ka duhurnimo, iyadoo dhaq dhaqaaqa guud uu magaalada yahay mid xiran.
Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa goor dhow ka ambabixi doona magaalada Muqdisho, iyadoo diyaarad gaar ah ka qaadi doonta, waxaana horay magaalada Kismaayo ugaga sii horeeyay ciidamo gaar ah oo sugaya ammaankiisa.
Maamulka KMG ee Kismaayo ayaa la sheegay inuu u diyaar garoobay soo dhoweynta wafdiga Ra’iisul wasaaraha, iyadoo lagu wado in wada hadalo ay ku yeeshaan magaalada, si la iskula meel dhigo qorshaha maamul u sameynta Jubooyinka oo horay khilaafaad uga dhasheen.
Xukuumada Soomaaliya ayaa ku doodeysa inay lahaato hogaanka shirka, loogana dambeeyo, halka maamulka KMG Kismaayo uu doonayo in shirka doorka ugu weyn ku lahaadaan dadka deegaanka si loo soo doorto maamul dadka raali ka yihiin.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada