Warbixin : M.Owen Oo Soo Maray Xiddigii Ugu Fiicnaa Aduunka Balse Haatan Kursiga Badelka Stoke City Saaxib la Ah.

Warbixin : M.Owen Oo Soo Maray Xiddigii Ugu Fiicnaa Aduunka Balse Haatan Kursiga Badelka Stoke City Saaxib la Ah.

Xiddiga reer Ingiriis ee 32-sano jirka ah Michael James Owen ayaa shalay shaaca ka qaaday in uu doonayo in uu ka fariisto ciyaaraha marka xilli ciyaareedkaan uu dhaamado, xilli laacibkaan soo noqday weeraryahankii ugu fiicanaa aduunka kuna soo guuleystay abaal marinta kubadda dahabka ayaa haatan ah laacib fadhiya kursiga badelka ee kooxda Stoke City .
Owen ayuu magaciisa heer caalami hawada uu galay ka dib goolkiisii caanka ahaa ee uu ka dhaliyay qaranka Argentina kulan qeyb ka ahaa koobka aduunka sanadkii 1998-dii kaas oo lagu qabtay dalka Faransiiska waxa uuna waqtigaas jiray 18 sano .

Warbixntaan waxaan ku eegeynaa noloshii dhanka ciyaaaraha ee laacibka iyadoo si weyn loogu xasuusto kooxda Liverpool.
* Waxa uu u soo ciyaaray Liverpool sanadihii 1996-2004-tii waxa uuna u saftay 297 kulan iyadoo uu dhaliyay 158 gool .
* Waxa uu u soo ciyaaray Real Madrid hal xilli ciyaareed waxa uu dhaliyay 16 gool ka dib 45 kulan oo uu saftay .
* Ka dib waxa uu u wareegay Newcastle United , waxa uu u ciyaaray afar xilli ciyaareed iyadoo uu saftay 79 ciyaar halka 30 gool uu dhaliyay .
Aayihiisa ciyaaraha waxa ay mugdi galeen markii uu ku biiray Man United iyadoo uu saaxib la noqday kursiga keydka waxa uuna u dhaliyay United 17 gool.
Haatan ayuu ugu sii daran yahay oo aayihiisa waxa uu ku dhaamaday kooxda Stoke City iyadoo tan iyo markii uu ku biiray uu u dhaliyay kaliya hal gool , waxaana uu ku jiraa kursiga keydka.
Dhanka ciyaaraha caalamiga ah waxa uu qarankiisa kala qeyb qaatay 89 kulan waxa uuna dhaliyay 40 gool.
Guulaha uu kooxaha la soo hoyiyay waxaa ugu cad iyado United uu horyaalka Ingirisika kula guuleystay halka Liverpool uu kula guuleystay UEFA Cup sidoo kale UEFA Super Cup.
Waxa uu Owen helay abaal marinta laacibkii ugu fiicnaa aduunka sanadkii 2001-da , hadaba Owen waxaas oo dhan kursiga keydka ayuu ka fadhiyaa.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada