Wasaarada Gaashaandhiga oo sheegtay inuu socdo diyaar garowgii dib lagula wareegi lahaa degmada Xudur

Wasaarada Gaashaandhiga oo sheegtay inuu socdo diyaar garowgii dib lagula wareegi lahaa degmada Xudur

Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo qorshaha iyo diyaar garowga ay ku doonayaan inay dib kula wareegaan degmada Xudur ee Gobolka Bakool, halkaasoo todobaadkii hore ay la wareegeen Xoogaga Al-Shabaab.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa lagu sheegay in dhowaan ay dib ula wareegi doonaan degmada Xudur, isagoo wax lagu xumaado ku tilmaamay dadkii lagu dilay dhowaan.
“diyaargaroobidda aynu u diyaar garoobeyno inaan dib ugula wareegno degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool wuxuu marayaa meel wanaagsan dhowaanna haduu Alle idmo argigixisada weynu kala wareegaynaa”ayaa yiri C/xakiin Fiqi War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiskiisa.
C/xakiin Fiqi ayaa sheegay in dhowaan iyagoo kaashanaya Ciidamada AMISOM ay dharbaaxo kulul ku dhufan doonaan, isagoo sheegay in la arki doono is bedel ku aadan goobaha ay ka saaraan Al-Shabaab oo uu xusay in magaalo ka mid ah dalka aanay ku sugnaan doonin.
Hadalkan ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya, xilli Al-Shabaab dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh ka wadaan Gobolada Bay iyo Bakool, kaasoo ay doonayaan inay dib ula wareegaan deegaanada ay ka baxayaan Ciidamada Itoobiya.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada