Dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka socda duleedka Garbahaarey

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka socda duleedka Garbahaarey

Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka socdodeegaan lagu magacaabo Birta-Dheer oo Garbahaarey u jira ilaa 15-KM.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay weerar ku qaadeen fariisin Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas, halkaasoo Saraakiisha dowladda ay sheegeen inay wadada u geli jireen gaadiidka ciidamada.
Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay inay soo bandhigayaan meydadka Al-Shabaab oo ay dagaalka kaga dileen, isla markaana deegaanka gacanta ku hayaan, isagoo xusay in dagaalyahanadii Shabaab ee aaggaas ku sugnaa u firxadeen dhinaca Buurdhuubo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ay qorsheynayaan inay u dhaqaaqaan dhinaca Buurdhuubo oo ay Al-Shabaab ku sugan yihiin.
Dadka ku nool Garbahaarey ayaa soo sheegayay in hubka iyo rasaasta la is weydaarsanayay dagaalka ay maqlayeen, isla markaana dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa ku sugan qeybo ka mid ah Gobolka Gedo, iyagoo gacanta ku haya degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere oo ah labada degmo oo ay kaga sugan yihiin gobolka.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada