Wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano oo gaaray Kismaayo iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ku sii jeeda

Wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano oo gaaray Kismaayo iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ku sii jeeda

Wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano isugu jira ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, iyadoo ammaanka magaalada aad loo adkeeyay.
Wafdigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed oo uu wehliyo Wasiirka gaashaandhiga iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxay horu dhac u yihiin wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo goor dhow ku wajahan Kismaayo.
Sida ay sheegayaan wararka Wafdigan ayaa waxay kulamo horu dhac kula leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Kismaayo Mas’uuliyiinta Maamulka KMG ee Kismaayo Axmed Madoobe iyo Saraakiisha Ciidamada.
Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay socoto qaban qaabo xoogan oo lagu soo dhoweynayo wafdiga Ra’iisul Wasaaraha, waxaana hakad ku jira guud ahaan dhaq dhaqaaqii magaalada sida ganacsiga iyo isku socodka.
Dhinaca kale waxaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ay gaaraan Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo Prof. Gaandi oo horay Wasiir uga soo noqday Xukuumadihii KMG.
Wafuudan ku qul quleysa magaalada Kismaayo ayaa ujeedka safarkooda yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen shirweynaha maamul u sameynta Jubooyinka, kadib markii meesha laga saaray caqabadihii iyo khilaafaadkii ka taagnaa arrimaha maamul u sameynta Jubooyinka.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada