Fanaaniin isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib oo Maanta soo gaaray Muqdisho dhawaana Bandhig faneedyo cajiib ah ku qabanaya Magaalada

Fanaaniin isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib oo Maanta soo gaaray Muqdisho dhawaana Bandhig faneedyo cajiib ah ku qabanaya Magaalada

Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagay Koox Fanaaniin ah oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib kuwaa ee Hogaaminayeen Faaniinta Waayaha usub ee ka dhisan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Fanaaniintan ayaana si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde waxa eena sheegeen in si aad ugu faraxsan yihiin in ee yimaadaan Sanado badan kadib Magaalada Muqdisho oo sidii hore ka badalan iminkana uu ka jiro amaan la isku haleen karo.

Kooxdan Fanaaniinta ah ee soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa ka kala socda Dalal kala duwan sida Afgaanistaan ,Mareykanka , Itoobiya ,Kenya iyo Dhalinta Waayhaa cusub oo Kooxda hogaamineysa kuwaa oo ujeedkooda ugu weyn yahay in Bandhigyo waa weyn ka dhigaan Magaalada.

Gudoomiyaha Kooxda Waayaha Cusub Shiine Aqyaar oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka ayaa sheegay in ee aad ugu faraxsan yihiin in Maanta Muqdiosho kasoo dagaan iyaga iyo Kooxo kale oo Fanaaniin Ajaaniib ah kana kala socda Dalal kala duwan si ee Muqdisho bandhigyo uga Dhigaan.

Shiine waxa uu sheegay in Badhigyadan ee dhigayana ugu Magacdareen Peace Festifal in ee ku qaban doonaan Barxado waa weyn oo ku yaala Muqdisho ayna dhigi doonaan Sameecado si ay dadka ugu dhiiriyaan nabada hada soo iftiintay.

Imaanshiyaha Kooxdan Fanaaniinta ee isugu jira Soomaalida iyo Ajaaniibta ayaa kusoo aadaya xili amaanka Magaalada uu wax badan is badalay ayna kusoo dhiiradeen Magaalda in ee yimaadaan Fanaaniin badan oo in mudo ah Qurbaha kunoolaa kuwaa oo Qaarkood bandhig faneedyo cajiib ah ka dhigay Magaalada.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada