Wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo ku geeriyooday magaalada Mombasa ee dalka Kenya

Wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo ku geeriyooday magaalada Mombasa ee dalka Kenya

War saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasiir ka tirsanaa Xukuumada in saaka si lama filaan ah uu ugu geeriyooday magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Saacid oo nuqul ka mid ah na soo gaaray ayaa lagu sheegay in Wasiiru dowlihii Wasaarada Adeega guud ee Bulshada Marxuum Maxamuud Ismaaciil Barkhad uu geeriyooday markii wadno xanuun ku soo booday.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa isagoo ku hadlaya magaca Xukuumadda. Kan Shacabka iyo Magaca Ummadda Soomaaliyeed wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyskii, iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Maxamuud Ismaaciil Barkhad.
“Innaa Lillaahi Wa inaan ileyhi Raajicuun, Geeridu waa xaq, noole walbana waxuu marayaa dhimasho. Waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, kitaabkiisana gacanta midig ka siiyo, Eeheladii Qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha
Wasiirkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ka geeriyooda Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Saacid, tan iyo markii la soo dhameystiray horaantii sanadkan, kadib maga caabisteedii bishii October ee sanadkii hore
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada