Wiil la dhashay mid ka mid ah Xiddigaha Dunida ugu caansan oo Calaacal bilaabay, Muxuu yiri ? (Daawo Muuqaal ahaan) !

Wiil la dhashay mid ka mid ah Xiddigaha Dunida ugu caansan oo Calaacal bilaabay, Muxuu yiri ? (Daawo Muuqaal ahaan) !


Wiil la dhashay xiddiga Qaranka Germany iyo kooxda Real Madrid Mesut Mustafa Özil ayaa wareeysi uu dhiibay waxa uu ku sheegay in uu weli jecel yahay Ciyaaraha Kubada cagta balse uu ka niyad jabay in uu noqdo Laacib caan ah sida walaalkiis Mesut Özil. 



Wiilkaan oo lagu magacaabo Mutlu Özil waa 26 jir u safta koox xaafadeed ka dhisan dalka Germany waxaana kooxda uu u safto lagu magacaabaa Firtinaspor Gelsenkirchen (Kreisliga). Jaraaidka dalka Germany ayaa qoray Warbixin ay ku sheegayaan Mesut Özil marka uu ciyaarayo koobka Champions League in ay u soo daawasho tagaan ku dhawaad 90.000 oo Taageerayaal ah balse walaalkiis Mutlu Özil oo u safta kooxda Firtinaspor oo ka dhisan gobolka Gelsenkirchen ee dalka Germany waxaa ugu badnaan u soo daawasho tagto dad lagu qiyaasay 100-Qof.

" Aad ayaan ugu faraxsanahay walaalkeey Mesut Özil in uu noqdo Laacib weeyn laakiin aad ayuu u da´daalay ilaa yaraantiisii , aniga Kubada cagta weli waan jeclahay waana ciyaaraa laakiin uma Ciyaaro inaan Lacag ka soo saaro sida walaalkeey Mesut Özil balse Hobby ahaan ayaan u ciyaaraa maxaa yeelay Nasiibka ayaa soo saaray walaalkeey Mesut Özil isaga ayaana famil ahaan noo matalaya Ciyaaraha Kubada cagta ayuu yiri Mutlu Özil oo wareeysi siiyay Tv-ga Bild "


Mutlu Özil ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in uu booqasho ahaan ugu tagay kooxda Real Madrid oo uu walaalkiis Mesut Özil u safto waliba uu si Live ah ugu soo arkay Laacibiin caan ah sida Cristiano Ronaldo. Mutlu Özil oo kooxda Firtinaspor Gelsenkirchen Lambarka 11-aad u qaata waxa uu mararka qaar kooxdiisa u dhaliyaa Goolal wuxuuna si aad ah ugu egyahay Walaalkiis ka yar Mesut Özil.

Wiilkaan la dhashay ciyaaryahan Mesut Özil ayaa la sheegay in uu yaraantiisii u gambin jiray Tababarka kooxdiisa balse Mesut Özil ayaa ahaa Wiil da´daal badan oo isaga Lugtiisa isku soo saaray kaas oo waqtigiisa ku dhameeysan jiray barashada xirfada Ciyaarta Kubada cagta . 

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada