XOG: Sarkaal Ka Tirsan Shabakada Al-Qaacida oo Diyaarad La Socday oo Lagu Qabtay Garoonka Muqdisho

XOG: Sarkaal Ka Tirsan Shabakada Al-Qaacida oo Diyaarad La Socday oo Lagu Qabtay Garoonka Muqdisho

Ciidamada AMISOM iyo kuwa sirdoonka Soomaaliya ee ku sugan garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa shalay si kedis ah ku qabtay sarkaal ka tirsan Shabakada Al-Qaacida kaasoo diyaarad rakaab oo Muqdisho ku soo socotay isku soo dhex qariyey.
Il wareed dhanka sirdoonka dawlada Soomaaliya ayaa Raxanreeb Online u xaqiijiyey in sarkaalkan oo dhalashadiisu tahay Soomaali, isla markaana aan la magacaabin uu asal ahaan ka yimid dibadda gaar ahaan Mareykanka iyo Yurub oo uu isaga kala gooshay si dhuumaaleysi ah, ka dibna uu u soo gudbay Muqdisho oo uu rabay inuu soo galo.  Ka hor safarkiisa Yurub ayaa la sheegayaa in ninkan uu tagay Afghanistaan iyo wadamo Carbeed.
Ninkan oo weli lagu hayo xabsi ku yaalla garoonka ayaa illaa hadda waxaa su’aalo weydiinaya saraakiisha sirdoonka dawlada Soomaaliya, Amisom iyo xubno CIA-da Mareykanka ka tirsan oo isla shalay soo gaaray Muqdisho.
Il wareedka u waramay Raxanreeb Online waxay sheegayaan in ninkan markii la qabanayey uu isu soo ekeysiiyey muuqaal ka duwan kiisii hore, isagoo garka soo xiirtay kuna soo lebistay surweel iyo shaati.  Laakiin sawiro ay heleen saraakiisha sirdoonka dawlada Soomaaliya oo la rumeysan yahay in CIA-da Mareykanka ay keeneen ayaa muujinaya ninka la qabtay oo leh gar weyn.
Ugu yaraan xubnaha CIA-da ayaa la socday dhaqdhaqaaqa ninkan illaa uu aakhirkii ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ah meesha lagu xiray, sida il wareedku sheegayo.
Saraakiisha amaanka dawlada iyo kuwa Amisom ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan qabashada ninkan iyo waxa uu asal ahaan Al-Qaacida u qaban jiray iyo sababta uu ugu socday Soomaaliya.
Dhinaca kale Raxanreeb Online ayaa ogaatay in ganacsato maalqabeeno ah oo caan ka ah Muqdisho ayna isku heyb yihiin ninka la qabtay ayaa illaa shalay waday dadaalo ay ku doonayeen in ninka la xiray ay ku soo furtaan laakiin dadaaladaasi ma hirgalin illaa hadda, waxayna taasi cuslaatay markii baaritaanadii lagu hayey ninka la xiray ay ku soo biireen saraakiisha CIA-da Mareykanka.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada